4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2012
Bambooyin Khasaare Nafeed geystay oo xalay lagu weeraray ciidammo ku sugnaa Isgoyska Baar Ubax ee Muqdisho

Axad, May 13, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo isugu jira askar iyo shacab ayaa ku dhintay qaraxyo bambaano oo xalay ka dhacay Isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo ay ku jirto haweeney labada lugood ka go'day.

Weerarradan bambaano ayaa waxaa mas'uuliyadooda sheegatay Al-shabaab iyagoo hadal ay kasii daayeen idaacaddooda ku sheegay inay qayb ka ahaayeen weerarro ay xoogaggoodu ka wadaan Muqdisho.

"Bambooyinkan midkood waxaa lagu weeraray askar ku sugnaa isgoyska Baar Ubax midda kalena waxaa lagu weeraray askar kale oo ku sugnaa agagaarka hoteel Salaama," ayay saxaafadda u sheegay gabar goobjoog ahayd.

Goobjoogayaal kale ayaa sheegay inay arkeen maydadka saddex qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari, halka labada kalena ay ahaayeen shacab uuna midkood ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada dowladda qaraxyada kaddib.

Kooxihii weerarrada bambaano geystay ayaa waxaa u suurogashay inay goobta ka baxsadaan waxaana isla xalay la keenay isgoyska Baar Ubax ciidammo fara badan oo kuwa dowladda kuwaasoo illaa saakay ku sugan.

Ma jirto cid loo qabtay weerarradaas, waxaana Al-shabaab ay sheegeen inay sii wadi doonaan weerarrada noocan oo kale, iyadoo xaaladda ammaan ee Muqdisho ay sii xumaanayso iyadoo dowladdu ay sheegayso inay xoogga saarayso sugidda ammaanka caasimadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya