4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2012
Maxaabiis Soomaaliyeed oo Tiradoodu gaarayso 94-ruux oo laga sii-daayay Xabsi ku yaalla dalka Tanzania


Axad, May 13, 2012 (HOL) — Maxaabiistii ugu tirada badnaa ee laga sii daayo abdi xabsiyada dalka Tanzania ayaa lasii daayay kaddib iskaashi iyo isfahan dhex-maray safaarada Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.

Maxaabiistan oo tiradoodu ahayd 94-ruux oo sadex ka mid ahi ay gabdho ahaayeen ayaa laga sii-daayay, kuwaasoo la qabtay xilli ay doonayeen inay qaab tahriib ah ku maraan dalkaas.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee xabsiga laga sii-daayay ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xeebaha dalka Musambiik ay qabteen iyagoo doommo la socda ayna si xun ula dhaqmeen ka hor intii aan loosoo gudbin xabsiyada dalka Tanzania.

"Ciidamada Musambiik waxay noo geysteen falal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen jir-dil, kufsi iyo dhac. Balse ciidamada Tanzania ayaa si wanaagsan noola dhaqmay," ayay yiraahdeen maxaabiista qaarkood.

Maxaabistan ayaa uga digay dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay tahriib galaan, iyagoo sheegay in muddadii ay tahriibka ku jireen ay la kulmeen dhibaatooyin aad u fara badan.


"Safarkeenna waxaan kasoo billownay magaalada Muqdisho waxayna rajadeennu ahayd inaan heli doonno nolol iyo dhaqaale ka fiican middii aan Muqdisho ku haysannay, balse waxaan la kulannay dhibaatooyin badan ka hor intii aanan gaarin halkii aan u soconnay oo ahayd Koonfur Afrika," ayuu yiri Axmed C/samad Axmed oo ka mid ahaa maxaabiistii xabsiga laga sii daayay.

Maxaabiistan ayaa waxay xabsiga dalka Tanzania ku jireen muddo hal sano ah, iyagoo sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay, waxaana qaarkood ka muuqday daal fara badan.

Dhinaca kale; dhallinyarada Soomaaliyeed ee xabsiga laga sii-daayay ayaa waxay u mahadceliyeen cid walba oo gacan ka geysatay in xabsiga laga sii-daayo, waxayna sheegeen inay dib ugu laaban doonaan Soomaaliya.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya