4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2012
Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo la wareegay gacan-haynta Degmada Maxaas oo Gobolka Hiiraan ka tirsan

Axad, May 13, 2012 (HOL) — Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan isla markaana uu horkacayo guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Max’ed Xalane oo dhawaan la magacaabay ayaa shalay gallinkii dambe gudaha u galay degmada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Sida uu HOL u sheegay la taliyaha guddoomiyaha maamulka gobollka Dr, Max’uud Diiriye Max’ed ciidammo ka tirsan maamulka gobolka ayaa saacadihii lasoo dhaafay galay degmada oo in mudo ah gacanta ugu jirta xoogagga Xarakada Al-shabaab.

"Waxaa xilligan gudaha degmada ku sugan ciidamada maamulka gobolka kuwaasoo kasoo ambabaxay Beledweyne, kooxihii halkaa joogay markii ay ka war heleen inay ciidamadu kusoo dhow yihiin way isaga carareen, watiga ammaanka degmada waa mid hagaagsan waxaana jooga guddoomiyihii degmada iyo ciidamada maamulka gobollka,’’ ayuu yiri Max’uud Diiriye.

Dad ku sugan degmada Maxaas oo ay HOL la hadashay ayaa u sheegay in ay ku arkeen gudaha degmada gadiid dagaal iyo ciidamo ka amar qaata maamulka gobollka Hiiraan, iyadoo dhinaca kalana qeybo ka mid ah degmada lagu arkayo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa u sheegay HOL in maalmaha soo socda la wareegi doonaan dhamaan qeybaha gobollka ee hadda gacanta ugu jira xoogagga Al-shabaab.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ay dhinaca Al-shabaab ka soo saareen ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ee la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay gudaha u galeen degmada Maxaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya