4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2012
Dowladda Iiraan oo sheegtay in Deeq Raashin iyo Dawo isugu jira ay ku Caawinayso Shacabka Soomaaliyeed

Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay dhawaan u dirayso Soomaaliya shixnadii 15-aad oo gargaar bani'aadamnimo ah, taasoo isugu jirta raashin iyo dawo.

Madaxa haya'dda bisha cas ee dalka Iiraan, Maxamuud Mozaffar oo la hadlayay FNA oo ah wakaalad wararka u baahisa dalka Iiraan ayaa hoosta ka xariiqay in deeqdan ay noqonayso tii ugu horreysay oo Iiraan ay u dirto Soomaaliya markii uu sannadka cusub ee Iiraan billowday 20-kii bishii Maarso ee sannadkan.

"Deeqdan waxay ka kooban tahay 200-tan oo u badan cunno iyo dawo, waxaana ku caawin doonnaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen dagaallada, abaaraha iyo macluusha," ayuu yiri Mozaffar.

Madaxa IRCS ee dalka Iiraan wuxuu sheegay in gargaarka la marin doono badda, wuxuuna intaas ku daray in bisha Cas ee Iiraan ay 30-milyan oo dollar oo gargaar ah u dirtay Soomaaliya tan iyo markii ay abaaruhu dillaaceen.

"Gargaarka aan u dirnay Soomaaliya illaa markii abaaruhu dillaaceen wuxuu ku kacay 39-milyan oo doollar oo u dhiganta 46-bilyan oo lacagta Iiraan ah, waxaana si gaar ah u geynay deeqdaan magaalada Muqdisho," ayuu yiri xoghayaha guud ee ururka bisha cas ee dalka Iiraan, Zaher Rostami.

Dalka Iiraan ayaa wuxuu ka mid yahay dalalkii ugu horreeyay oo u soo gurmada shacabka Soomaaliyeed markii sannadkii hore ay ku dhufatay Soomaaliya abaartii dhalisay macluusha, waxaana horay ay Iiraan u keentay Soomaaliya 14-shixnadood oo gargaar bani'aadamnimo ah.

Hay'adda bisha cas ee dalka Iiraan ayaa waxay ka hirgelisay Soomaaliya isbitaallo lagu daweeyo dadka barakacayaasha ah iyo sidoo kale xeryo lagu quudiyo dadka barakacayaasha ah kuwaasoo macluul daran ka dhaxlay abaartii dalka ku dhufatay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya