4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2012
Soomaalida Minnesota oo bangiyo ku hor bannaan-baxay

Sabti, May 12, 2012 (HOL) - Banaan baxaan oo salaaddii jimcaha kadib ka dhacay iridda hore xarunta weyn ee bangiga Wellsfargo ku leeyahay bartamaha magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolaal Soomaali ah, oo ka gadoodsan  wada-shaqeyn la’aanta bangiyada iyo xirnaashaha xawaaladaha Soomaalida.

Waxaa Soomaalida kala qaybgalay dibad-baxaan hogaanka bulshada rayidka ah, culumada, hay’adaha difaaca xuquuqda shaqaalaha iyo qaar ka mid ah bulshooyinka kale ee ku dhaqan Gobolkaan Minnesota, kuwaasi oo Soomaalidii isku soo baxday kala qeyb-qaadanayey dalabaadkooda ku aadan in dib loo furo xawaaladaha.

“Waxaa maanta halkaan isugu yimid ilaa kun qof oo isugu jira dadyow kala duwan oo ka kala socda bulshooyinka kala duwan ee gobolka ku dhaqan, ujeedkayagu waxaa uu ahaa in aan ka xun nahay cuna-qabataynta bangiyadu ku hayaan xawaaladaha Soomaaliyeed,” sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay  Maxamed Nuur ”Sadiq”  oo ah madax xawaalada Dahabshiil ee Gobolka Minnesota oo ka qaybgalay dibadbaxa.

Intii uu socday isku soo baxaan ay maanta dhigeen Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa waxaa xirmay wadooyin dhowr ah oo ku yaala bartamaha magaalada Minneapolis, waxaana dadkii ka soo qaybagalay ay ku dhawaaqayeen irayo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin xirnaashaha xawaaladaha, oo ah dariqa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaan Mareykanka ay mariyaan gunooyinka ay u diraan ehelada iyo asxaabtooda ay kaga soo tageen gudaha wadanka iyo waliba wadamada dariska la’ah Soomaaliya.

“Marnaba ma aqbali karno in banhiyadu ay maamulaan dhaqaalaha dadka shaqeeya ee Mareykanka ku dhaqan, islamarkaasna aysan u oogalaan in ay dhaqaale u diraan ehelkooda ku dhibaataysan gudaha wadanka Soomaaliya, waxaana iyaga oo arintaasi ka gadoodsan maanta koontooyinkii ay ku lahaayeen Wellsfargo xiray dad badan oo Soomaaliyeed oo diidan tilaabada Bangiyada,” ayuu yiri Cabdi-Casiis Dhoore, oo ka tirsan Xawaalada Tawakal.

Franklin Bank, oo ahaa bangigii ugu dambeeyey  ayaa dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay xiray koontooyinka 15  xawaaladood oo ka shaqeynayey gobolka Minnesota, isagoo sheegay in uu ka cabsi qabo in ay saameyn ku yeelato qaar ka mid lacagaha xawaaladuhu ay u diraan geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, oo aan si dhab ah loo garan-karin gacanta ay ku dhacayaan, waxaana ay taasi sababtay in ay xirmaan inta badan xawaaladaha Soomaalida ee ka shaqeyn jiray Gobolka Minnesota.

“Dowladda Mareykanka dhinaceeda xawaaladahu waa sharci waana ay ka shaqeyn karaan, hase ahaatee sharciyo adag oo uu Mareyakanku ku soo rogay lacagaha dibada uga baxaya wadanka wixii ka dambeeyey  11-kii semtember, markii qaraxyada argagixiso ay dhaceen, ayaa sababay in ay bangiyadu joojiyaan wadashaqeynta Xawaaladaha, iyagoo cudur-daar ka dhiganaya sharciyadaasi, lacagaha xawaaladuhu diraanna waxaa ku nool malaayiin Soomaali ah oo ku nool geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdi-casiis Sugule, oo mudo ka shaqeynayey arrimaha Xawaaladaha.

Maxamed Faarax Talyaani
Minneapolis, Minnesota
[email protected]