9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 29, 2012
Waxgaradka Muqdisho oo Maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku taageeray Maamul goboleedka Banaadir State

Banaadir State.jpg

Khamiis, Maarso 29, 2012 (HOL) — Waxgaradka beelaha Muqdisho ayaa maanta kulan ay ku taageerayeen maamulka Banaadir State waxay ku yeesheen Muqdisho, iyagoo ugu baaqay dowladda KMG ah iyo beesha calaamka inay taageeraan maamulkan.

Kulankan taageerada ah ayaa waxaa ka qaybgalay waxgarad iyo odayaal-dhaqan, waxayna dhammaantood sheegeen in kulankooda uu yahay mid ay ku taageerayaan maamulkan oo dhawaan ay DKMg ah sheegtay inaysan taageersanayn.

"Maamul goboleedka Banaadir State wuxuu la mid yahay maamul goboleedyada dalka ka jira, isagoo dheer in deegaannada uu maamulkan ka jiro ay ka mid tahay caasimadda Soomaaliya," ayuu yiri nabaddoon Xuseen Guure Calasow oo ka hadlay kulanka. Isagoo sheeagy in beelaha Muqdisho ay isku raacsan yihiin taageerada maamul goboleedkan.

Sidoo kale, nabaddoon Shire Dalfac oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in gobolka Banaadir uu ka kooban yahay min Cadale illaa Baraawe, maamulkanna uu deegaannadaas oo dhan ka jir. Wuxuuna xusay in Muqdisho ay tahay magaalo ka dhexeysa dadka Soomaaliyeed oo dhan.

"Muqdisho hooyadii dalka, waxaana daggan marka laga reebo Soomaali dad ajnabi ah oo ay ku jiraan Hindi, Bakistaaniyiin iyo Talyaani guryo ayayna ku leeyihiin. Marka Muqdisho dadka daggan oo dhan waa ka dhexeysaa," ayuu yiri mudane Shire Dalfac.

C/llaahi Rooble Shadoor oo ah xubin ka tirsan maamulka Banaadir State oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in maamulkan uu yahay mid ay sameysteen dadka ku nool gobollada Banaadir, Shabeellada Hoose iyo Shabeellada uuna yahay maamul jiri doona Mustaqbalka.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay nabaddoon, Cumar Ibaahim Cosoboow oo sheegay in dhaqan ahaan ay maamulkan taageersan yihiin, wuxuuna maamulka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan maslaxadda dadka iyo dalka Soomaaliya.

Banaadir State 4.jpg
Banaadir State 2.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya