1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 18, 2012
Ilwaad Elman Cali Axmed oo Somalia ku matashay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Haweenka Dunida oo ka dhacday Tanzania


Axad, Maarso 18, 2012 (HOL) — Ilwaad Elman Cali oo uu dhalay dhaqdhaqaaqihii nabadda Soomaaliya Elman Cali Axmed ayaa ka qaybgashay munaasabad lagu xusayay maalinta haweenka Dunida oo ka dhacday dalka Tanzania.

Munaasabaddan oo ay ka qaybgaleen 76-waddan ayaa waxay socotay muddo lix maalmood ah iyadoo dadka ka qaybgalay ay ku tartamayeen fuulidda buuraha Kalimanjaaro oo ah kuwa ugu dheer Qaaradda Afrika.

Ujeeddada loo qabtay munaasabadda ayaa lagu sheegay inay tahay sidii go'aanno looga qaadan lahaa dhibaatooyinka loo geysto haweenka, iyadoo dalalkii halkaas isugu tagay ay gaareen go'aanno looga hortagayo dhibaateynta haweenka.


Madaxweynaha Tanzania, Jekaya Kukweta ayaa furay munaasabaddan isagoo illaa 300-tallaabo fuuray buurta Kalimanjaaro, waxaana buurta meesheeda u sarreysa gaaray 36-qof oo ka mid ah dadkii tartanka ka qaybgalay.

Ilwaad Elman ayaa waxay ka mid ahayd dadkii tagay buurta meesha ugu sarreysa iyadoo haysatay calanka Soomaaliya, waxayna sheegtay in sababta ay tartanka uga qaybgashay ay tahay in la caawiyo haweenka Soomaaliyeed.

"Waxaan ka sheegay goobta in la caawiyo gabdhaha Soomaaliyeed ee loo geysto dhibaatooyinka ay ka mid yihiin kufsiga kuwaasoo aan haysan goob ay u dacwoodaan," ayay tiri Ilwaad Elman oo hadal jeedisay.

Madaxweynaha Tanzania ayaa aad muujiyay sida uu ugu riyaaqsan yahay inay Ilwaad oo Soomaaliya matalaysa tagto meesha ugu sarreysa buurta Kalimanjaaro iyadoo wadata calanka Soomaaliya.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya