3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 4 , 2012
Xarakada Al-shabaab oo kasoo horjeesatay Qodobbadii kasoo baxay shirkii Istanbuul kuna tilmaantay Shirqool

Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta DKMG ah ayaa kasoo horjeesatay qodobbadii kasoo baxay shirkii magaalada Istanbuul lagu qabtay ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay qodobbadaas shir-qool loo maleegayo Soomaalida.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in qodobbadii shirkaas kasoo baxay ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu dumiyo Soomaaliya, laguna xalaaleysto dhaqaalaheeda iyo dhulkeeda.

"Sidaan horayna u sheegnay dowladda Turkiga waa mid loo adeegsanayo sidii lagu burburin lahaa dalalka Islaamka," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere, isagoo sheegay in aysan dhaqangelin doonin qodobbadii kasoo baxay shirkii Istanbuul II ee madaxda Soomaalida ay ka qaybgashay.

Qodobbada shirkan kasoo baxay ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka Soomaaliyeed iyo dowladda KMG ah, iyagoo ku tilmaamay inay yihiin qodobbo Soomaaliya u wadi kara jidkii ay kaga bixi lahayd degenaasho la'aanta.

"Turkigu muddo badan ayuu qarinayay hadafkiisa isagoo sheegi jiray inay dadka Soomaaliyeed caawinayaan, balse maanta ayuu lasoo baxay wajigii runta ahaa oo ah inay Soomaaliya dumiyaan," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in dowladda Turkiga loo adeegsanayo inay burburiso ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna sheegay in dhankooda ay aad uga soo horjeedaan qodobbadii kasoo baxay shirkii Istanbuul.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay ugu eedeysay dowladda Turkiga inay raashin dhacay keento dalka, iyadoo la xusuusto in wafdi Turkish ah ay sannadkii hore ka qaybiyeen xerada Aala-Yaasir oo ay ku jireen dad ay abaaruhu soo barakaciyeen oo ay Al-shabaab xukumi jirtay raashin, dhar iyo dawo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/4/2012 7:19 AM EST
Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Ururka Raaskaambooni ee ka barbar dagaalama ciidamada dowladda KMG ee Jubooyinka ayaa maanta maamul cusub kaga dhawaaqay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, iyadoona la sheegay in maamulkani uu noqon doono mid KMG ah.

6/4/2012 7:12 AM EST
Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Uganda ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba dagaalyahan oo ajnabi ah; kuwaasoo magcayadooda lagu sheegay, Axmed Khaalid oo 33-jir ah loona yaqaaan Martin Muller iyo Emrah Erdogan oo 24-jir ah loona yaqaan Alias Imraan Al-Kurdi.

6/4/2012 6:26 AM EST
Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Iyadoo dhawaan ciidamada DKMG, kuwa Kenya iyo xoogagga Raaskambooni oo is-garabsanaya ay la wareegeen degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxa dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabullo dagaal laga dareemayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

6/4/2012 3:36 AM EST
Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo u warramayay wakaaladda wararka Turkiga ee Anatolia isagoo dalkaas ku sugan ayaa sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya ay yihiin laba dal oo shirko ah oo ay ka dhexeeyaan dano muhiim ah.

6/4/2012 3:15 AM EST
Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada xoogga DKMG Soomaaliya ayaa Axaddii shalay xafiis ka furatay deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho, iyadoo ciidamada dowladda looga digay inay dadka shacab ah ee ku nool inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ay dhibaateeyaan.

6/4/2012 3:02 AM EST
Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen kaddib weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen gaari ka amababaxay Gaalkacyo oo ku socday deegaanno kale oo gobolka Mudug ka tirsan.

6/4/2012 2:43 AM EST
Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Saraakiisha hay’adaha Turkiga ee Muqdisho ka howl-gala ayaa sheegay inay kaalinta hore kaga jiraan dadaallada ay dowladda Turkigu ku doonayso inay ku samatabixiso magaalada Muqdisho oo muddo dheer dagaallo sokeeye kusoo jirtay, xilli ay hay’adaha UN-ku fariisimo ka sameysteen dalka Kenya oo ay daris yihiin Soomaaliya.

6/4/2012 2:39 AM EST
Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Maxkamadda magaaladda Hargeysa ayaa xukuno kala duwan ku ridday shalay oo Axad ahayd masuuliyiin lagu eedeeyey inay lunsadeen deeq mucaawimo oo ku socotay dad masaakiin ah.

6/4/2012 2:38 AM EST
Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo dagaalyahannada Ahlusunna iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa guulo ka sheegatay Ahlusunna.