4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 4 , 2012
Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo guulo ka sheegatay dagaallo ay Gobolka Galguduud kula gashay Xoogaga Xarakada Al-shabaab

Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo dagaalyahannada Ahlusunna iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa guulo ka sheegatay Ahlusunna.

Dagaalka oo dhacay shalay ayaa waxaa qaadday Ahlusunna Waljamaaca ayaa leysku adeegsaday hubka noocayadiisa kala duwan, waxaana la rumeysan yahay in uu jiro khasaare baaxad leh oo soo kala gaaray dhinacyadii ay dirirtu dhaxmartay, walow aan si rasmi ah loo ogeyn inta khasaaruhu la eg yahay.

Saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca ee ku sugan bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dagaallku ahaa mid ka dhashay weerar ay ku qaadeen xoogagooda fariisimo ay lahaayeen Xarrakada Al-shabaab, iyaga oo intaa ku darray in ay dileen tiro ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaallka dhaxmaray labada dhinac ay ku lug lahaayeen ciidamada dowladda Itoobiya ee fadhigoodu yahay deegaannka Ceelbuur, walow saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca aysan ka hadllin warka ku saabsan in ciidamada dowladda Itoobiya kala qeyb-qaateen dagaallka.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ku aadan dagaallada la sheegay in ay ka dhaceen gobollka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Degmada Ceelbuur oo ah degmo istiraatiji u aheyd xoogagga Al-shabaab ee ka dagaallama bartamaha dalka Soomaaliya ayaa kol hore la wareegay gacan ku heynteeda ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya