4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 3 , 2012
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo oo soo Bandhigay Rag ka tirsan Al-shabaab iyo Hubkooda

Axad, June 03, 2012 (HOL) — Saraakiisha dowladda KMG ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen rag katirsan Al-shabaab oo sitay hubka noocyada fudud iyo gaari uu saarnaa qori nooca loo yaqaan Dhishiikaha, waxaana ay sheegeen in ragaasi ay iska soo dhiibeen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.


Ragan oo ay tiradoodu gaareeyso 20 askari, islamarkaasina ku hubeysnaa hubka fudfudud iyo gaadiid nooca tiknikada ah, ayaa waxa lagu so bandhigay fagaare ku yaal magaalada Beledxaawo, iyadoona ay halkaasi hadallo ka jeediyeen madax katirsan masuuliyiinta dowladda ee gobolka Gedo.

 

Xildhibaan Xasan Deer oo kamid ahaa masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa sheegay in ragani isa soo dhiibay ay tiradoodu gaareeyso ilaa 20 askari oo ku hubeysnaa hub fudfudud iyo gaadiid nooca dagaalka, wuxuuna xusay in mudo uu wadahadal u socday raga isa soo dhiibay iyo saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo.

 

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dagaalyahannada kale ee ka barbar dagaalama xoogagga Al-shabaab in ay isa soo dhiibaan, isagoona xusay in ay damaanad qaadi doonaan ammaankooda, islamarkaasina ay u abuuri doonaan shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda, waa siduu hadalka u yiriye.

 

Sidoo kale waxa goobta ka hadlay masuuliyiin kale oo katirsan maamullada dowladda KMG ee Degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow, waxayna sheegeen in askarigii kasoo goosta Al-shabaab ay u sameyn doonaan soo dhaweyn aad u qiimo badan, iyagoona ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Beledxaawo in ay la shaqeeyaan maamulka dowladda KMG ee gobolka Gedo.

 

Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli gobolka Gedo ay ka jiraan xiisado dagaal oo aad u xooggan oo u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG, kuwa Ahlusunna oo garab ka helaya Militariga Kenya.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya