4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 3 , 2012
Ciidamada Dowladda KMG ee ku sugan Degmada Baydhabo oo toogasho ku dilay nin ay sheegeen inuu Weeraray mid kalena dhaawacay

Axad, June 03, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa shalay gallinki dambe toogasho ku dilay nin ay sheegeen inuu ka tirnsaa Al-shabaab oo weeraray iyagoo dhaawacay mid kale oo la socday.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in raggan ay wateen bambooyin iyo bastoolado ay ku weerarayeen ciidamada dowladda, taasina ay keentay in la dilo midkood midka kalena dhaawaco, iyadoo uusan jirin hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo arrintan ku saabsan.

"Ninka ay ciidamadu toogteen wuxuu ahaa dhallinyaro waxaana laga helay bastoolado, bambooyin iyo weliba lacag," ayuu yiri goobjooge ku sugan Baydhabo, kaasoo magaciisa aan sheegin, isagoo intaa ku daray in maydka ruuxaas uu xalay oo dhan yaallay halkii lagu toogtay kii dhaawaca ahaana la dhigay isbitaalka.

Xaafadda uu dilka ka dhacay oo lagu magacaabo Isha Baydhabo, ayaa waxaa ka dhacay dhowr jeer oo hore qaraxyo ay geysteen xubno Al-shabaab ka tisran, balse dilka xalay ayaa noqoaya kii ugu horreeyay oo ciidamada xaafaddaas ku sugan ay u geystaan ruux ay sheegeen inuu Al-shabaab ka tirsan yahay.

Lama sheegin khasaare ciidamada dowladda kasoo gaaray weerarkii ay raggan hubeysan ku qaadeen, iyadoo ciidamada dowladdu ay saakay ka billaabeen degmadaas howlgallo ku raadinayaan xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan degmadaas.

Degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa bishii Feberaayo ee sannadkan waxaa gacan ku haynteeda la wareegay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM, iyadoo tan xilligaas ay ka dhacayeen falal kala duwan oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya