Axad, June 24, 2012 (HOL) - Malaayin masaari ah ayaa isugu soo baxay guud ahaanba
magaalooyinka kala duwan ee waddanka Masar iyagoo u dabaal dagaya guusha u soo
hooyatay Maxamed Mursi oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi
ah loo soo doorto.
Dadka ugu badan ayaa ku sugan bartamaha Qaahira, gaar
ahaanna barxadda xorriyada ee loo yaqaano Maydaan Taxriir, kuwaasoo samaynaya
dabaal dagyo, wacadna ku maray inaysan halkaas ka tagi doonin tan iyo inta ay
milatarigu ka noqonayaan la wareegitaanka qaar kamid ah awoodihii madaxweynaha
cusub.
Waxay kaloo dalbanayaan dadka kacdoonka wada in madaxweynaha
cusub lagu dhaariyo Maydaan Taxriir.
Madaxweynaha cusub ee waddanka Masar Maxamed Mursi
|
Madaxweynaha cusub ee waddanka Masar Digtoor Maxamed Mursi
oo kasoo jeeda gobolka Sharqiya ee waddanka Masar, kana tirsan ururka Ikhwaan
Muslimiinka oo khudbad ka jeediyay taleefishinka qaranka ayaa ballan qaaday
inuu si isku mid ah ugu cadaalad fali doono dadka waddankiisa.
Wuxuu ammaan gaar ah u soo jeediyay ciidamada milatariga,
booliska iyo waliba garsoorka dalka oo uu ku ammaanay inay suura galiyeen
doorashada xorta ah ee Masar ka dhacday.
Wuxuu ballanqaaday inuu ilaalin doono heshiisyadii Masar ay
la gashay wadamada caalamka, balse si gaar ah uma tilmaamin heshiiskii Masar
iyo Israel, iyadoo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natanyahu uu sheegay inuu
ixtiraamayo go’aanka shacabka Masar ay ku soo doorteen madaxweynahooda cusub.
Maxamed Mursi ayaa wadamada caalamka u ballanqaaday
calaaqaad wanaagsan, wuxuuse sheegay inaysan Masar faragalin ku samayn doonin
arrimaha wadamada kale, aysan aqbali dooninna in iyada arrimaheeda la
faragaliyo.
Wuxuu sheegay inuu ilaalin doono sharafta dadka wadanka
Masar meel walba oo ay aduunka ka joogaan, wuxuuna ka digay in lasoo weeraro Masar isagoo sheegay in ciidamada qalabka sida ee dalkiisa ay awood leeyihiin Inay dalka ka difaacaan cid walba oo ku soo xadgudubta.
Dadka waddanka Masar ayaa hadal hayntooda ugu badan ay
noqotay markii uu madaxweynaha cusub si lama filaan ah ku tagay xarunta
taleefishinka qaranka isagoo aysan la socon wax waardiye ah.
Ka hor inta uusan khudbadiisa jeedin ayuu mid mid u gacan
qaaday shaqaalaha taleefishinka oo aan arrintaas uga baran madaxweynihii isaga
ka horreeyay ee Xusni Mubaarak.
Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha cusub ee waddanka Masar
ayay hortaalla hawl adag oo ay kamid tahay dib u soo noolaynta dhaqaalihii
waddankaasi oo dhulka galay 30-kii sano ee uu xilka hayay Xusni Mubaarak oo
lagu tilmaamo inuu ahaa kii ugu musuqmaasuqa badnaa ee soo mara taariikhda
dalkaasi.
Marka laga reebo Israel, caalamka intiisa kale waxaa si wayn
looga soo dhaweeyay doorashada dimuqraadiga ah ee ka dhacday waddanka Masar.
Waxaase is waydiin mudan sida dadka Soomaaliyeed ay uga faa’iidaysan
karaan tajribada waddanka Masar oo lagu tilmaamay inay cashar u tahay wadamada
dunida sadexaad.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya