4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2012
Koox Soomaaliyeed oo ka qeybgashay Tartanka K/cagta Jaaliyadaha Adduunka ee Austria lagu qabtay


Axad, June 24, 2012(HOL): Kooxda Jaaliyadda Isboortiga Soomaalida Vienna ee waddanka Austria  waxa ay ka qeyb gashay tartan Isboorti oo sanadla ah oo loo qabto Jaaliyadaha Adduunka ee ku nool wadanka Austria gaar ahaan caasimada Vienna.

Kooxda Soomaalida oo ku jirtay group C oo ay kula jireen wadamada kala ah
Vietnam, Spain,Afghanistan ,Bolivia,  iyo Roma Italy, wax ayna u dhaceen kulmada sidan:
Somalia vs Bolivia                           1-0
Somalia vs Spain                             2-2
Somalia vs Afganhistan                    0-1
Somalia vs Vietnam                         1-1
Somalia vs Roma italy                     2-1


Jaaliyadda Soomaalida oo sanakdi ugu horreyay ka qeybgashay tartankan ayaa guul taariikhi ah ka soo hoysay tartankan Jaaliyadaha Adduunka ee lagu qabtay magaalada Vienna ee dalka Austria.



Austrian Somali Sports Coordinatior
Ahmed Sadaq Hassan Jimaale
Vienna, Austria