4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2012
Xaflad lagu taageerayay Xisbiga Tayo Party oo ka dhacday Magalada Birmingham ee dalka Britain (SAWIRRO)
TAYO3.JPG

Sabti, June 23, 2012 (HOL) - Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayey xisbiga Tayo iyo Musharaxnimada xoghayaha xisbiga Tayo oo lagu wado inuu isu taago doorashada madaxweynenimada ee Soomaaliya  ayaa lagu qabtay Birmingham ee dalka Ingariiska.

Xafladan oo ahayd xaflad ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Britain ayaa waxaa lagu taageeray xisbiga Tayo part oo ay hormuudka u tahay Dr-Maryan qaasin oo madasha lagu casumay iyo xoghayaha xisbigaasi Maxamed C/llaahi farmaajo oo qadka taleefoonka uga qayb qaatey, asagoo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Farmaajo ayaa hadalkii uu halkaas ka jeediyay kaga codsaday Soomaalida inay adkaystaan midnimadooda ayna xoojiyaan dadaalkooda ay ku soo ceshanayaan dawladnimadii dalka.

TAYO10.jpg

Waxaana uu ku boorriyay odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ku sugan in ay ku dadaalaan soo xulitaanka dad tayo leh oo dalka ka saari kara marxaladda adag maadaama uu iyaga gacantooda ku jiro masiirka dalka.

Gudoomiyaha xisbiga Tayo Dr-Maryan qaasin oo iyaduna dadweynihii goobtaas joogay u jeedisay khudbad ayaa tilmaantay inay u istaageen badbaadinta qaranka uuna ujeedkoodu yahay in markale ay Soomaaliya cagaheeda isku taagto oo soo ceshato sharaftii ay aduunka ku lahayd.

Maryan Qaasim ayaa sheegtay in hadii ay ku guulaystaan hogaanka dalka inay ku dadaali doonaan cadaaladda, lana dagaallamayaan musuqmaasuqa hareeyay Soomaaliya.

Xisbiga Tayo ayaa kamid ah xisbiyada ku loolamaya hogaanka dalka, iyadoo la filayo dabayaaqada bisha Agoosto ee sannadkan inay dhacdo doorashada madaxweynenimo.

TAYO.JPG
TAYO2.JPG
TAYO4.JPG
TAYO5.jpg
TAYO9.jpg
TAYO6.jpg
TAYO7.jpg
TAYO8.jpg

Axmed C/samad . Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya