4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2012
Kooxda Waayaha Cusub oo Nairobi ku Qabatey Munaasabadii Labaad ee la Magac baxdey Eastleih Peace Festival (SAWIRRO)
waayahacusub.jpg

Sabti, June 23, 2012 (HOL) - Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya lagu qabtey, munaasabdii labaad ee xaflad loogu magac darey (Easleigh Peace Festival).

Xafladan ayaa ahayd mid looga wacyi galinayay dhalinyarada halista ay xagjirnimadu leedahay iyo waliba falalka lidka ku ah amniga iyo xasiloonida.

Xafladan ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan dhalinyarada oo uu barnaamijkan quseeyey.

waayahacusub2.jpg

Waxaana goobtaas ay kooxda Waayaha Cusub ku qeybiyeen funaanado gaaraya 250 funaanadood oo xambaarsan farriimaha nabada oo ay ka mid tahay (Nabadi Waa Nololee, Dhalinyarooy Nagee), (Madadaaladu waxay ka hortagtaa Xagjirnimada) iyo waliba astaamaha midnimada, qarannimida, iyo isku duubnida Soomaaliyeed oo ku xardhanaa dharkii funaanadihii halkaas laga qaybiyay.

Kooxda Waayaha Cusub ayaa isla goobtaasi waxay ku shaaciyeen in ay qaban doonaan xaflada maalinta xoriyada Soomaaliyeed ee kowda Luuliyo (July/1/2012), taasoo ay sanad walba ku qabtaan magaalada Nairobi.

waayahacusub3.jpg
waayahacusub4.jpg
waayahacusub5.jpg
waayahacusub6.jpg
waayahacusub7.jpg
waayahacusub8.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya