4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo sheegay in Dowladda Jabuuti ay ogolaatay in Fiise ay saarto Baasaboorka Soomaliland

Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka warbixiyay safarkii shaqo oo uu kusoo maray dalalka Sweden, Jabuuti iyo Itoobiya.

Madaxweyne ku xigeenka oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in safaraddii uu ku tagay Jabuuti iyo Sweden ay ahaayeen guulo u soo hoyday Somaliland, isla markaana waxyaalo badan oo faa’iido u ah shacabka uu ka keenay safarakaas.

"Mas’uuliyiintii aan dawlada Jabuuti kulanay waxa ka mid ahaa madaxweynaha Md Ismaaciil Cumar Geele iyo Ra’isal Wasaarihiisa Dilayta Maxamed Dilayta oo si diiran oo qiimo leh noo soo dhaweeyey, guud ahaanba mas’uuliyiinta Jabuuti wixii aanu kawada hadalnay sidii loo adkayn lahaa xidhiidhka labada dal ka dhexeeya, sidii waxyaabo badan la iskaga kaashan lahaa," ayuu yiri C/raxmaan Saylici, waxaanu raaciyay. "Waxaa kale oo aan kawada hadalnay in Jabuuti ay xafiis ka furato Somaliland iyada oo ay Somaliland xafiisku leedahay Jabuuti, isaga oo madaxwaynaha Jabuuti magacaabay wakiilka Jabuuti ee Somaliland u fadhiyi doona xafiiskana".

"Waxaan ka codsanay madaxwaynaha Jabuuti in baasaaboorka Somaliland la fiiseeyo oo dalkiisa lagu tegi karo, codsigaasina runtii wuu naga aqbalay," ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka oo tilmaamayay waxyaalihii u soo qabsoomay safarkaasi.

Waxa kaloo uu sheegay in lixdii bishan oo ku beegnayd maalinta Qaranimada dalka Sweden ay kaga qayb galeen xaflad balaaran oo lagu qabtay safaarada Sweden ee Addis Ababa, halkaasina uu fursad uga helay in uu kula kulmo madaxda safaarado kala duwan ka qaybgalay munaasibada xuskaasi Sweden.

"Socdaalkaasi wuxuu ahaa socdaal midho badan dhaliyay, waxaanu la kulanay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Sweden u qaabilsan Afrika, waxa kale oo aanu kala kulanay hay’ada dawlada Sweden u qaabilsan mucaawimooyinka dibada iyo baarlamaanka Sweden," ayuu yidhi mar uu ka hadlayey masuuliyiintii uu la kulmay markii uu booqashadda ku tagay Sweden.

"Waxaa kaloo aanu u gudbinay qorshaha shanta sanadood ee aynu samaysanay si cid kasta oo wax ina siinaysaa ay mudnaanta u siisto qorshahaas aynu samaysanay oo ay hay’ada Sweden u qaabilsan deeqaha aad ugu qanacday hoostana xariiqday markii aanu tusnay qorshahaasi," ayuu raaciyey.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inuu u bandhigay sidi ay u maalgashan lahaayeen Somaliland sida Kalluunka, Beeraha Macdanta iyo Saliidda, waxaanu sheegay in lixda bilood ee oo socda ay safar shaqo ku iman doonaan dalka.

madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa safarkiisa ku wehelinayey Wasiirka Qorsheynta Dr. Sacad Cali Shirre, Wasiirka Ku Xigeenka Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq , Maayar Ku Xigeenka Degmada Gabiley Marwo: Khadra X. Gaydh iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasada.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland