4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Waxgaradka Degmada Buur-habaka oo Hay'ad Maxalli ah ku eedeeyay inay lunsatay gaar ku socday Degmadaas

Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Qoraal ay soo saareen waxgaradka degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay ayay ku dhaliileen doorka samafal ee NGO-ga maxalliga ah ee lagu magacaabo SARDO oo xiriir wadashaqeyneed la leh hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinacyada cunnada iyo beeraha ee FAO.

"Hay'adda SARDO waxay lunsatay deeq loogu talagalay degmada Buur-hakaba iyo nawaaxgeeda horayna waxay u lunsadeen deeqo kale," ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay waxgaradka degmadaas.

Sidoo kale, waxgaradku waxay sheegeen in deeqdan ay ka timid hay'adda FOA iyadoo SARDO loo wakiishay inay gaarsiiso deegaannada loogu talogalay, waxayna xuseen inay isugu jirtay deeqdu ahayd bacriminta beeraha, ayna ogaadeen in laga iibsaday ganacsato reer Muqdisho ah.

"Deeqdan waxay ahayd 3,125-loor bacriminta beeraha ah, waxaanan ogaannay in laga iibsaday ganacsato Soomaali ah, iyadoo loorkiiba laga siiyay lacag gaaraysa 131.250 dollar," ayay odayaashu ku sheegeen qoraalkooda.

Degmada Buur-hakaba ayaa waxaa gacant ku haysa Xarakada Al-shabaab oo horay uga mamnuucday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah inay degmadaas ka howgalaan, iyadoo odayaashu ay sheegeen in deeqaha degmadaas loogu talogalay ay iibsadaan wakiillada hay’addaas oo ku been-abuurta dadka deegaanka.

Waxgaradka degmada Buurhakaba waxay ka codsadeen hay’ada FAO inay dib u fiiriso deeqaha laga soo qaado hay’doodda ee aan la gaarsiin deegaannadii loogu talogalay, iyagoo xusay in falkaas oo soo laabta uu wax u dhimik karo sumcadda hay'adda FAO.

"Hay'adda FAO waa inay kula xisaabtanto mas'uuliyiinta SARDO halkii uu maray gargaarkii loogu talogalay degmada Buurhakaba," ayay waxgaradku ku sheegeen hadalka ay siiyeen saxaafadda.

Warsaxaafadeedka waxgaradka degmada Buurhakaba ayaa waxaa ku saxiixnaa, Malaaq Aadan Cabdiraxmaan Xeydar, Malaaq Yuusuf Cabdiyow, Malaaq Xuseen Axmad, Malaaq Sheekh Siidow iyo Malaaq Amiin Cali.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya