4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Dagaalyahanno taabacsan Ururka Al-shabaab oo saakay Weerar ku Qaaday Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo

Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Dagaalyahanno katirsan xoogagga Al-shabaab ayaa xalay 3:30 aroornimo waxa ay weerar isugu jira madaafiic iyo hub fudfudud ku qaadeen degmada Beledxaawo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.

Weerarradan oo ahaa kuwo culus ayay dagaalyahannada Al-shabaab waxa ay ku qaadeen saldhigga degmada Beledxaawo iyo guri uu daganaa mid kamid ah howlwadeenada hay'ad samafal oo dhawaan ka shaqo bilowday degmadaasi, waxaana weerarradaasi ay sababeen khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayo khasaaraha ka dhashay weerarka, waxana wararka qaar ay sheegayaan in dagaalkii xalay uu sababay dhaawac soo gaaray laba qof oo rayid ah.

Wariye ku suggan magaalada Beledxaawo ayaa HOL u sheegay in ku dhowaa 35 daqiiqo uu dagaalka socda, waxa uuna wariyuhu intaasi ku daray in weerarka ay soo qaadeen dagaalyahannada Al-shabaab, israsaaseyn culusna ay dhexmartay ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaasi.

Wariyaha ayaa intaasi ku daray in dagaalku uu sababay dhaawac soo gaaray laba qof oo rayid ah, isagoona sheegay in aysan jirin cida kale oo wax ku noqotay weerarkaasi.

Guddoomiyaha Degmada Baladxaawo Nuur Sayax Xareed ayaa warbaahinta u sheegay in uu koobanyahay khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ay Alshabaab ku soo qaadeen magaalada Beledxaawo, isagoona sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaasi.

Masuulkani ayaa intaasi ku daray in ciidamada ammaanka degmadaasi ay saaka howlgallo ka bilaabeen xaafadaha kala duwan ee beledxaawo, kuwaasoo uu sheegay in lagu baadigoobayo dad la tuhunsayahay in ay la shaqeeyaan dagaalyahannada Al-shabaab ee gobolkaasi Gedo.

Illaa imika ma jiraan warar ku aadan dagaalkaaasi oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab, waxaana saaka Degan xaaladda magaalada Beledxaawo, iyadoona ay si caadi ah u shaqeynayaan adeegyadii bulshada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya