4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
AFHAYEENKA XARAKADA AL-SHABAAB: "Soomaaliya waxaa ka jira laba dowladood oo kala madax-bannaan"

Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka sheegay in Soomaaliya ay xiligan ka jiraan laba dowladood oo kala madax-bannaan.

Sheekh Cali Dheere ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay la yeesheen mid ka mid ah beelaha daga gobolka Bay, kaasoo ay heshiis ku kala saxiixdeen, wuxuuna xusay in iyagu ay yihiin dowlad ka talisa inta badan Soomaaliya.

"Soomaaliya waxaa ka jirta labo dowladood, mid waa tan gaaladu wadato, midna waa midda ay Islaamku wataan oo ka talisa dhul ballaaran oo Soomaaliya ku yaalla kuna dhaqanta diinta Islaamka," ayuu yiri Sheekh Caali Dheere.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in iyagu ay ka taliyaan dhul gaaraya saddex kun oo kiiloo-mitir, kaasoo u dhexeeya degmada Baardheere ee gobolka Gedo iyo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

"Beesha Hubeer waxaan ugu baaqayaa inay qayb ka qaataan dagaalka la doonayo in ciidamada Itoobiya looga saaro degmada Qansax-dheere iyo deegaannada ku dhow, waxaana qof walba oo beeshan ka mid ah looga baahan yahay inay diyaar u noqoto sidii ay dagaalkaas uga qaybqaadan lahayd," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Xarakada Al-shabaab oo dhul ballaaran laga qabsaday tan iyo billowgii sannadkan ayaa haddana waxay weli ka taliyaan dhul baaxad leh oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla, halkaaso oay kula dagaalamayaan ciidammo ka socda dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo AMISOM.

Hadalka afhayeenka Al-shabaab ayaa wuxuu imaanayaa xili ay xarkada saaran yihiin culeysyo milateri oo la doonayo in dhulka ay hadda gacanta ku hayaan looga saaro iyo iyadoo mas'uuliyiinta sarsare ee kooxdan la dul-dhigay madaxfurasho lacageed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya