4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2012
Shirkii Saxiixayaasha Heshiiska Roadmap-ka oo si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa maanta oo Arbaco ah ka furmay shir ay leeyihiin saxiixayaasha Roadmap-ka Soomaaliya kaasoo socon doona laba maalmood, iyadoo looga hadlayo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskaas oo ay madaxda Soomaalidu sannadkii hore ku gaareen Muqdisho.

Dhammaan saxiixayaashii heshiiskan ayaa ku sugan Nairobi, waxaana marka hore ay faahfaahin siin doonaan xubno ka socda dalalka deeq-bixiyeyaasha, waxaana markaas kaddib ay geli doonaan shir albaabbadu u xiran yihiin, kaasoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in lagu soo qaadi doono dastuurka oo madaxada Soomaalidu ay dhowr jeer oo hore ku murmeen.

Wararka hoose ee la helayo ayaa waxay sheegayaan in beesha caalamku ay madaxda Soomaalida ku cadaadinayso in muddada yar ee u harsan ay ku dhameystiraan waxyaabaha uga dhiman heshiiskan, si bisha Ogoosto ay dalka uga dhacdo doorasho, loogana baxo xilliga KMG ah.

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa isaguna shirka ka qaybgalya, iyadoo qodobada lagu soo qaadayo shirka ay ka mid yihiin shirka odayaasha dhaqanka uga socda Muqdisho, ergooyinka ansixinaya dastuurka iyo weliba xulidda xildhibaannada baarlamaanka cusub.

Shirkan oo ay ahayd in lagu qabto magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in sababta loogu wareejiyay magaalada Nariobi ay tahay kaddib markii uu madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu diiday inuu Muqdisho tago.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in shirka lasoo gabgabeeyo lagana soo saaro qodobbo, iyadoo ujeeddada ugu weyn ee shirka laga leeyayay lagu sheegay sidii looga dhaadhicin lahaa madaxda Soomaalida inay xilliga KMG ah dhameystiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya