4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2012
Booliis ka socda Uganda oo ka howlgalaya Muqdisho si ay u xaqiijiyaan Ammaanka Caasimadda Soomaaliya

Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Booliis gaar ah oo ka socda dalka Uganda ayaa lagu wadaa in Muqdisho ay soo gaaraan maalmaha soo socda, kuwaasoo gacan ka geysan doona xasilinta ammaanka gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo tiradoodu gaarayso 140-askari ayaa ka howgeli doona saldhigyada booliiska ee degmooyinka Muqdisho qaarkood, iyagoo gacan ku siinaya booliiska DKMG ah sidii ammaanka caasimada lagu xaqiijin lahaa.

"Waxaan siinnahay booliiskaan gaarka ah oo loo yaqaan (FPU) tababarro gaar ah si ay uga howlgalaan magaalada dalka Soomaaliya oo dagaallo ka socdaan, waxayna qayb ka yihiin howlgalka AMISOM," ayuu yiri ku xigeenka afhayeenka booliiska dalka Uganda, Judith Nabakooba.

Sarkaaladan waxay intaas ku dartay, in ciidamadan ay qabaan tababarro ay uga shaqeyn karaan goobo ay colaado ka jiraan, waxayna howshooda gaarka ah noqon doontaa ka hortagga dambiyada iyo dadku inay sharciga ilaaliyaan.

"Ciidamadan waxay kaalin mug leh ka ciyaari doonaan howlgalka nabad ilaalinta ee ka socda Soomaaliya," ayay tiri afhayeenadda booliiska Uganda Asuman Mugyenyi oo iyaduna saxaafadda la hadashay.

Sidoo kale, ciidammo ka socda dalka Nigeria oo tiradoodu tahay 140-askari ayaa lagu wadaa inay iyaguna soo gaaraan Muqdisho, si ay uga qaybqaataan howlaha lagu xaqiijinayo ammaanka Muqdisho.

Magaalada Muqdisho oo ay Al-shabaab isaga baxday bishii Ogoosto ee sannadkii hore ayaa waxaa weli ka dhacaya qaraxyo ay geysanayaan xoogag taabacsan Al-shabaab iyo dilal qorsheysan, iyadoo aan la ogeyn kaalinta ay ka qaadan karaan ciidankan booliiska ah ee ka socda Uganda iyo Nigeria.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya