4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2012
Dhallinyaro lix bilood tababarro la siinayay oo Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay waxyaabhihii ay barteen

YOUTH6.jpg

Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Dhallinyaro tiradoodu gaarayso 250 ayaa xaflad loogu qabtay Muqdisho Talaadadii shalay ahayd waxay kusoo bandhigeen wixii ay barteen, waxaana kasoo qaybgalay bandhiggaas mas'uuliyiin degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca horumarinta ee UNDP ayaa maal-gelisay barnaamijkan wax lagu baranayo dhallinyarada, waxaana fulinaysa hay'adda wadaniga ah ee CPD.

Bandhiggan oo ahaa bandhig-dhaqameed ayaa waxyaabihii ay ardaydan kusoo bandhigeen waxaa ka mid ahaa: heeso, gabayo, ciyaaro hiddaha iyo dhaqanka ah iyo ruwaayad ka tarjumaysan isbedelka ku dhacay noloshooda muddo ku siman lix bilood.

Dhallinyaradan ayaa waxay ahaayeen kuwo noloshoodu ay khatar ku jirtay, lagana soo ururiyay degmooyinka Xamarjajab, Xamarweyne, Shibbis iyo Shingaani oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana wax-bartay hay'adda CPD.

"Mashruucan waa mid lagu bedelayo nolosha dhallinyarada, wuxuuna socday muddo lix bilood ah, bandhigga maantana waa mid aan ugu talogalnay inay dhallintu kusoo bandhigaan waxyaabihii ay barteen," ayuu yiri Maxamed Caabbi Xasan oo ah madaxa mashaariicda ee hay'adda CPD iyo madaxa mashruucan lagu dhaqan-celinayo dhallinyarada.

YOUTH.jpg

Suugaantii ay dhallinyaradan soo bandhigeen ayaa waxay cajab-gelisay dhammaan dadkii xafladda kasoo qaybgalay, waxaana ay halkaas ka qaadeen heeso soo jiitay dareenka dadka iyo gabayo ay ku cabirayaan isbedelka ku dhacay noloshooda.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, C/llaahi Ibraahim Sahal (Gardhuub) oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid loo baahan yahay, isagoo ku boorriyay hay'adda CPD inay sii waddo dadaalka ay dhallinyarada Soomaaliyeed ugu abuurayso fursadaha shaqo.

Qaar ka mid ah dhallinyaradaan ayaa madasha ka sheegay lix bilood ka hor waxa ay qaban jireen iyo hadda sida ay u arkaan heerka noloshooda. Ayagoo ku faanay in ay ka soo gudbeen xaalad dhib badan iminka ay ka mid noqdeen bulshada.

Ugu dambeyn, dhallinyaradii wax ka bartay mashruucan ayaa sheegay inay hadda u jeedaan isbedel ku dhacay noloshooda, iyagoo sheegay inay markii hore khatar ku jireen, balse ay hadda arkaan mustaqbal nololeed oo ifaya.

YOUTH2.jpg
YOUTH3.jpg
YOUTH4.jpg
YOUTH5.jpg
YOUTH7.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya