3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2012
Shir ka dhacay Magaalada Toronto oo lagu Taageerayay Murrashaxa Cali-Baashi
Waxaa maalintii axada ahayd oo ay taariikhduna ahayd June 17, 2012, magaalada Toronto, CIDER SINIA CENTRE ka dhacay  shir wayn oo lagu taageerayay musharaxnimada madaxtinimada dowled goboleedka Galmudug G/le sare  Cali-baashi Maxamed Xaji Cumar Fiqi, waxaa shirkaasi soo qabanqaabiyay Cali Shiddo iyo Cabdullahi Warsame, waxaana daadihinayay  Cabdirashiid Salad Farah (keyton), iyo Bashir.

G/lle  Sare Calibaashi  waxa uu ku dhashay magaalada Xaradheere ee Gobolka Mudug, ka dib markii uu waxbarashadiisa dugsiga sare ku dhamaystay soomaaliya wuxuu tababar militari ku soo qaatay Midowga Soofeeti, halkaasoo uu ku dhamaystay akademiyada Sare ee Ciidanka. 1985 waxa uu qaatay darajada Gaashaanle Sare asagoo ka mid ahaa saraakiisha loogu qadarinta badan yahay ee ciidanka xoogga dalka Somalia. Wuxuu Calibaashi ka mid yahay qurbajoogta, wuxuuna ku nool yahay magaalada London ee dalka Ingiiska.

Shirkaan lagu taageerayay musharaxa Calibaashi waxaa ka soo qayb galay dad aad u tira badan oo ka soo jeedo beelaha dega Galmudug. Waxaa halkaasi laga soo jeediyay hadalo isugu jira taariikh nololeedka musharaxa iyo hawlihii uu u soo qabtay dadka iyo dalka Soomaaliyeedba. Waxaa dadkii meesha ka hadlay xuseyn in uu musharaxa yahay nin u qalma in uu hogaanga deegaankaasi qabto kaalin fiicanna ka qaadan karo nabadeenta iyo horumarinta deegaanada Galmudug. Dadkii meesha ka hadlay oo fara badnaa, waxaa ka mid ahaa:

1. G/sare MohamudCulusow Ebeker
2. G/sare  Abdi Mohamud Bootaan
3. G/sare Mohamed Farah (dabdamis)
4. G/sare Abdi Nur Farah
5. G/sare Abdulkadir Mohamed Galbeeti
6. G/sare Ahmed dhere
7.  Dhamme shikh  Mohamed
8.  Dr. Mohamed Ahmed Gilao
9.  Cabdullaahi Sid Ahmed
10. Suldan  Abdi Jama Abdulle Gorad
11. Cabdullaahi Warsame

Doorashadaas oo dhici doonto bilaha soo socdo, waxaana xusid mudan in rag badan ay isu soo taageen jagada Madaxweynanimada Galmudug oo ay ka mid yihiin kuwa soo socdo:

1. G/le sare Ali bashi Mohamed Cumar Fiqi
2. General Abdi Hassan Awale Qaybdiid
3. Cabdisamad Nur Guled
4. Inj. mohamud
5. Abdirasaq Xusein Gedi

Waxaan musharaxiinta isusoo taagtay xilka madaxnimada Galmudug Eebe uga baryeynaa in uu waafajiyo xaqa, una gargaaraan Ummadda Soomaaliyeed waqtigaan dhibka badan oo uu dalka ku jiro.











Click here
6/20/2012 9:25 AM EST
Araca, June 20, 2012-Waxaa magaalada Örebro ee dalka Sweden lagu qabtay koob Kubadda Cagta ah oo ay ka qeybgaleen Caruur Soomaaliyeed oo magaaladaas ku nool, kuwasi oo da’dooda ay u dhaxeyso 8—9 sano jir.

6/20/2012 8:36 AM EST
Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qaybgalay kulan ay isugu yimaadeen dhakhaatiirta Somaliland ee gobolladda iyo degmooyinka ku kala sugan, kaasoo ka qabsoomay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

6/20/2012 8:07 AM EST
Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Odayaasha-dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ayaa isku raacay labo qodob oo kasoo baxay shir maalmahan uga socday Muqdisho, iyadoo sheegay inay goa'anka ay gaareen ay u gudbinayaan beesha caalamka iyo Soomaaliya.

6/20/2012 7:39 AM EST
Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Shirkan oo looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya ee ay yeelanayaan xubnaha ka socda Soomaaliya iyo Somaliland oo socon doona laba maalmood ayaa looga hadli doonaa sidii labada dhinac ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinac walba ah.

6/20/2012 7:31 AM EST
Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Musharraxa madaxweynenimada C/raxmaan Baadiyow oo xaflad kamid ah kaambaynkiisa ku qabtay Nairobi.

6/20/2012 7:29 AM EST
Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Galguduud, Axmed Yuusuf Xasan Ciyoow ayaa maanta soo gaaray Muqdisho isagoo sheegay in sababta socdaalkiisa ay tahay sidii uu wadahadallo ula yeelan lahaayeen inay u yimaadeen Muqdisho sidii ay wadahadallo ugala yeelan lahaayeen DKMG ah iyo UNPOS, sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa gobolka Galguduud.

6/20/2012 7:00 AM EST
Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa maanta oo Arbaco ah ka furmay shir ay leeyihiin saxiixayaasha Roadmap-ka Soomaaliya kaasoo socon doona laba maalmood, iyadoo looga hadlayo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskaas oo ay madaxda Soomaalidu sannadkii hore ku gaareen Muqdisho.

6/20/2012 6:53 AM EST
Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Kooxda Raaskambooni oo ka barbar dagaalanta ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa ugu baaqay hay'adaha gargaarka inay howlahooda ka billaabaan deegaannadii laga saaray Al-shabaab.

6/20/2012 6:24 AM EST
Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Booliis gaar ah oo ka socda dalka Uganda ayaa lagu wadaa in Muqdisho ay soo gaaraan maalmaha soo socda, kuwaasoo gacan ka geysan doona xasilinta ammaanka gobolka Banaadir.

6/20/2012 4:33 AM EST
Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Dhallinyaro tiradoodu gaarayso 250 ayaa xaflad loogu qabtay Muqdisho Talaadadii shalay ahayd waxay kusoo bandhigeen wixii ay barteen, waxaana kasoo qaybgalay bandhiggaas mas'uuliyiin degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood.

6/20/2012 2:56 AM EST
Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo ah urur taageera dowaldda KMG ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu dowladda ku eedeeyay dowladda inay jartay xiriirkii wadashaqeyneed ee kala dhexeeyay ururkooda.

6/20/2012 2:25 AM EST
Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Magaalada London ee xarunta dalka Britain ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo shirkii ugu horreeyay oo Soomaaliya iyo Somaliland ay uga hadlayaan mustaqbalkooda, kaasoo socon doona laba maalmood.