4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2012
Ciidamadda la-dagaalanka Argagixisadda Somaliland oo xilli habeen-barkii ah howlgal ka sameeyay guri ku yaalla Magaalada Hargeysa

Talaado, June 19, 2012 (HOL) — Ciidamadda gaarka u Tobabaran ee la Dagaalanka Argagixisadda (RRU) ayaa habeen hore Galalafay Guri ku yaalla xaafadda Jig-jiga yar ee degmadda IbraahimKoodbuur, kuwaas oo Dadkii ku noollaa dhamaan dibadda uga soo saaray, isla markaana qol qol u baadhay.

Ciidamada guriga bartilmaameedsaday ayaa guriga Dayrka Sare uga soo daatay habeen badhkii, waxaanay xoog ku jabiyeen albaabadii guriga, kuwaas oo dhamaan dadkii Hurday oo caruur iyo Haween u badnaa dibadda uga soo saaray ilaa inta ay dhamaystiranayeen baadhitaankoodda.

Ilaa hadda lama garanayo sababta dhabta ah ee Qoyskaasi loo bartilmaasaday, waxaanay ciidamaddu soo galeen iyadoo aan haysan wax Waaran maxkamadeed ah oo ay ku baadhaan guriga, taas oo keentay inay caruurtii yaryarayd sasto oo qaylo ku dhuftaan sida ay noo sheegeen waalidka qoyskan.

Haseyeeshee, waxa ay ciidankii guriga ka kaxaysteen saddex qof oo uu ku jira waashmaankii guriga ilaalinayey iyo laba qof oo marti ahaa, inkastoo markii dambe la siidaayey.

" Xilli habeen badh ah ayey guriga u soo daateen waxaanu moodnay Tuug waxaanu u qaylinay saldhiga Booliska, ismaan lahayn waa askar , markii ay guriga soo galeen waa na soo wada saareen aniga iyo laba hablood oo kale , Waashmaankii iyo laba wiil oo kale, gurigii waa rigaaxeen sariirihii, kabadhadii, muraayadihii waa ay jajabiyeen" ayay tidhi Khadra Cabdi oo ka mid ah dadkii deganaa gurigan.

Hodan Xasan Aw Libaax oo ka mid ah qoyska guri leh ayaa sheegtay in si arxandaro ah oo aan wanaagsanayn ay u soo galeen ciidanka wakhti la hurdo " Dumarkii oo aad garanysaan qof hurda oo sariitooda dhex jiifa oo aan Xijaab iyo asturaad wadan ayay albaabaduu nagu wada jabiyeen , waxa aan caqli gal ahayn in dadkii waxaa sameeyay sababtii ay noo baadheen aanay noo sheegin , maxay naga rabaan illa hadda ma garanayno" ayey Hodan Xasan oo sharaxaad ka bixisay hawlka Booliska ku sameeyeen gurigoodda.

"marnaba kumaan seexanin Somaliland oo waxaad ogtahay soo martay,waxaynu wada ognahay soo martay Xaqoodii iyo Noloshoodii iyo Sharafkoodii wax walba u huray ayaa Dulmiga halkaa maanta ka dhacay oo kale gudaheeda ka dhacaya, dulmigaana haddii la qaato kaa I qabsadayna barri ayuu heli doonaa qof kale"ayuu yidhi masuulkii guriga Xasan Aw Libaax. Waxaanu intaas Raaciyey "Habeen badh baa gurigayga loo soo dhacay, Caruurta saamayn badan ayey ku samaysay oo muddo ayey ku jiraysaa, saldhigii booliska ee aan gacantayda ku dhisay lama waydiin waxna "ayuu raaciyey Xasan Aw Libaax oo nin muwaadin ganacsade ah.

Masuulka guriga ay ciidanku habeen badhka baadheen ayaa sheegay in aanu intaas kaga hadheen, haddii ay maxkamaduhu wax ka qaban waydo uu la tiigsan doono maxkamadaha caalamiga ah.

Axmed Ismaaciil Ibraahim (Dheggo) oo ka mid ah qaraabadda qoyskan ayaa sheegay in alaab badani ka maqan yahay guriga, isla markaana saddexdii nin ee la xidhay laba ka mid ah ay maqan yihiin baasabooradoodii iyo cumpurkoodii.

Sidoo kale, Axmed Dhego waxa uu sheegay in Taliyeyaasha ciidanka waydiiyeen sababta guriga loo bartilmaamsaday gurigooda ay kolba wax ku sheegayaan, iyagoo mar sheegay inay ka baadhayeen dad lagu tuhmayo dadkii dhowaan toogtay guddomiyihii maxkamadda gobolka, mar kalena sheegeen in nin Maraykanka ka yimid oo guriga marti ku ahaa looga shakiyey ururadda Xag-jirka ah, haseyeeshee Taliyaha Ciidanka Bileyska Gen: Cabdilaahi Fadal ayaa arrintaasi ku soo koobay hawl-gal Ciidan, isagoo xusay in toddobaadyadii u dambeeyey ay hawl-galadaasi socdeen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland