4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2012
Gobolka Minnesota oo lagu qabtay xaflad lagu maamuusayay Afartan sano guuradii ka soo Wareegtay Qoraalka farta Soomaaliga


Talaado, June 19, 2012 (HOL) — Munaasibad lagu xusayey afartan guuradii ka soo wareegtay markii la qoray farta Soomaaliga ayaa xalay lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, taasi oo ay ka soo qeybgaleen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid qeybaha Gobolka, iyadoo sidoo kalana ay goob-joog ka ahaayeen abwaano, hal-abuuro iyo qoraayaal caan ah oo Soomaaliyeed.

Intii ay socotay madashaan xuska ah, ayaa waxaa ka hadlay dad isugu jira qorayaaal, abwaano iyo waliba hal-abuuro Soomaaliyeed, kuwaasi oo dhammaantood ka sheekeeyey marxaladihii uu soo maray qoraalka Afka Soomaaligu iyo dhibaatooyinka soo wajahay tan iyo markii ay burburtay Jamhuuriyadii Soomaaliya.

Xuska afartan guuradaan farta Soomaaliga, ayaa lagu marti qaaday madaxda ugu saraysa naadiga qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed [Somali Speaking Pen], oo mudooyinkii ugu dambeeyey socdaal lagu dhiiragalinayo afartan guuradaan ku marayey dalalka dibada, waxaana shaqsiyaadkaasi ka mid ah qoraaga caanka ah ee Soomaaliyeed Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo gudoomiyaha naadigaasi Aadan Xasan Aadan [Belaloo].

Aadan Belaloo, oo ka mid ahaa dadkii madasha ka hadlay ayaa sheegay in naadiga qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ay aas-aaseen aqoonyahano iyo qoraayaal Soomaaliyeed kadib markii ay daraaseeyeen marxadaha iyo hoos u dhaca qaran burburkii kadib ku yimid afka Soomaaliga, isagoo intaasi ku daray in tan iyo markii naadigooda la dhisay ay barnaamijyo lagu soo noolaynayo, islamarkaasna lagu kobcinanayo ay ka sameeyeen dalalka looga hadlo luuqada Soomaaliga.


"Waxaa la isku raacay far Af-Soomaaliga lagu qoro sanadku markii ahaa 1972-kii, waxaana dareenay in Afka Soomaaligu uu halis ku jiro, waxaana taasi nagu qasabtay in aan sameyno barnaamijyo lagu badbaadinayo, sidoo kalena lagu soo noolaynayo Afkeena hooyo," ayuu yiri madaxa Pen Soomaaliya Aadan Belaloo.

Abwaanka Soomaaliyeed ee Saciid Salaax Axmed, oo munaasibadaan ay soo abaabushay meertada aqoonta iyo suugaanta Soomaaliyeed ee uu macalinka ka yahay, ayaa sheegay in guud ahaan umadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qeybqaataan sidii loo ilaalin lahaa in uu dabar go’ ku dhaco Afka Soomaaliga, isagoo waalid-diinta Soomaaliyeed ee dhaqan wadamada qurbaha kula dardaarmay in ay ubadkooda ku barbaarinayaan luuqadooda.

"Qurba-joogta haddii aan nahay gaar ahaan hooyada iyo aabaha, waan ognahay in ay howl culus na hortaalo, si aan taasi u sameyno waa in aan goobaha wax lagu dhigto ku cadaadinaa in lagu baro ubadkeena Afka Soomaaliga, sidoo kale waxaa muhiim ah in dugsiyada qur’aanka lagu soo daro daro xiisado lagu baro ilmaha Afkooda," ayuu yiri macalin Saciid Salaax Axmed, oo isugu luuqada Soomaaliga ka dhiga jaamacada gobolka Minnesota.


Qoraaga caanka ah Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ka mid ahaa dadkii meesha ka hadlay, waxaana uu sheegay in luuqada Soomaaligu ay tahay mid facweyn oo qarniyo badan soo jirtay, si taasi loo ilaalinaya Soomaalida looga baahan yahay in ka shaqeeyaan, isagoo intaasi ku daray in dadka ku dhaqan dalalka qurbaha looga baahan yahay in ay sameeyeen dadaalo ay ku dhiiraglinayaan farta Soomaaliga sida in la qoro buugaag Soomaali ah iyo waliba in la sameeyo bandhigyo lagu maamusaya maalintaan qoraalka Soomaaliga.

Dad isugu jira abwaano, qorayaal iyo hal-abuuro da’yar oo Soomaaliyeed ayaa intii ay munaasibadaan socotay ka soo bandhigay nuucyada sugaanta Soomaalida, taasi oo ay inteeda badan diirada ku saarayeen qiimaha afka iyo sida loogu baahan yahay in loo ilaalinayo, waxaana mid ahaa suugaanleydaasi Cusmaan ducaale , oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota, isagoo sheegay in Afku uu yahay wax ugu weyn ee xiligaan ummadda Soomaaliyeed ay wadaagto, islamarkaasna ay heshiiska ku tahay.


"Waxa ugu weyn ee aan ka midaysan nahay Afka Soomaaliga ayaa inoo yaala, inkastoo ay jiraan waxyaabo badan oo aan wali ka midaysan-nahay oo uu ka mid yahay la dagaalanka hayb-sooca. Waxaan idin farayaa maadaama afka uu yahay waxa lagu garto jiritaanka ummad in aan ku dadaalo sidii aan uga qeyb-qaadan lahayn ka shaqeynta sii jiritaanka Afka hooyo, waana waajib dhammaanteen nawada saaran," sidaasi waxaa isaguna goobta ka yiri Cusmaan Ducaale.

Dadka u dhuun duleela isbadala ku dhaca luuqadaha ayaa qaba in tan iyo markii uu burburay qarankii Soomaaliyeed ay luuqada Soomaaligu la kulantay dhibaatooyin iyo hoos u dhac baaxad leh, kuwaasi oo ay ka mid tahay dadka Soomaalida oo intooda badan u haajiray wadamo looga hadlo luuqado kale iyo sidoo kale in luuqada Soomaaligu aysan helin daryeel buuxa oo dhinaca koncinta ah, maadaama aysan wadanka ka jirin dowlad xoogan oo arintaasi isku xilsaartay.





Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota