4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2012
Kulan looga hadlayo sidii Haweenku ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen Hoggaanka dalka oo Muqdisho ka furmay

Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay sidii haweenka Soomaaliyeed ay kaalintooda uga qaadan karaan siyaasadda iyo hoggaanka dalka ayaa wuxuu ka furmay maanta xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay howshan wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee DKMG Soomaaliya iyo xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNPOS.

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga ayaa oo kulanka hadal ku furay ayaa sheegay in looga hadlayo sidii haweenka Soomaaliyeed ay doorkooda uga qaadan lahaayeen hoggaanka dalka iyo siyaasadda.

"Haweenka Soomaaliyeed waxaan ku bogaadinayaa inay u istaagaan sidii ay qayb ugu noqon lahaayeen maamulada dalka ka jira, dowladda KMG ah iyo wax waliba oo quseeya hoggaan," ayuu yiri Mahiga oo sheegay inuu rajeynayo in haweenku ay ka helaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya tiradii horay loogu qoondeeyay ee ahayd 30%.

Wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska, Maryan Aweys Jumma oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in ujeeddada kulanka uu yahay sidii haweenka loogu baraarujin lahaa inay xagsadaan qaybta ay ku leeyihiin hoggaanka dalka si ay uga muuqdaan dowladda cusub ee soo socota.

Ugu dambeyn, haweenkii kulankaas ka qaybgalayay qaarkood oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kaalintooda ka qaataan hoggaanka dalka, iyagoo sheegay in hoggaanka dalka ay u soo taagnaayeen intii uu dalku ku jiray gumeysiga.

Haweenka ayaa waxaa 30% laga siiyay baarlamaanka cusub ee soo socda, iyadoo ay dhawaanahan jireen kulammo ay haweenku ku yeelanayeen Muqdisho, kuwaasoo ay uga hadlayeen sidii ay lambarka laga siiyay baarlamaanka u buuxin lahaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya