4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2012
Qaraxyo Khasaare Nafeed geystay oo siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir

Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay shalay gallinkii dambe iyo xalay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah qaraxyadan ayaa lagu weeraray gaari uu leeyahay guddoomiyaha golaha odayaasha-dhaqanka ee Muqdisho, Maxamed Xasan Xaad, waxaana ku dhintay weerarkaas qof rayid ah iyo mid ka mid ah dadkii la socday gaariga.

"Adeer gaarigayga oo alaabo ka doonay guriga Axmed Diiriye oo ku yaalla xaafadda Xamar-bile ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa qabsaday qarax aanan garanayn in gaariga uu saarnaa iyo inuu dibadda uga yimid," ayuu yiri Maxamed Xaad oo ka hadlay qaraxa gaarigiisa haleeyay.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in qof rayid ah uu qaraxaas ku dhintay darawalkii iyo ruux kale oo ilaalo ahaana ay si xun ugu dhaawacmeen, inkastoo uu ku dhintay mid ka mid ah labadan qof isbitaalkii la dhigay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa gaariga haleelay uu ahaa mid aad u xooggan, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay mas'uul ka tahay, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo gaadiidka odayaasha dhaqanka lagu weeraro qarax.

Dhanka kale, laba qarax ayaa xalay ka dhacay isgoysyada Black Sea iyo xaafadda Howlwadaag ee Muqdihso oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada dowladda KMG ah, iyadoo mid ka mid ah qaraxyadan uu ku dhintay qof rayid ah.

Lama oga khasaaraha ciidamada dowladda kasoo gaaray qaraxyadan iyadoo ay kusoo beegmayaan qaraxyadan xilli ay saraakiisha dowladda KMG ah sheegeen inay ka hortagayaan falalka ammaan-darro ee ka dhacaya Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya