4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2012
AMISOM oo Magaalada Muqdisho ka billowday dhismaha Xarun lagu dhaqan-celinayo dhallinyarada kasoo goosta Al-shabaab

Axad, June 17, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa Muqdisho ka billaabay dhisme ay sheegeen in lagu dhaqan-celinayo dhallinyarada kasoo goosta Al-shabaab, iyadoo sidoo kalena wada dayactirka xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Dhismahan oo isugu jira iskuul iyo hoy ayaa waxaa laga dhisayaa duleedka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana saraakiil ka tirsan Midowga Afrika oo booqday ay sheegeen in dhaqaalaha ku baxaya dhismahan uu bixinayo ururka Midowga Afrika.

"Xarunta waxay isugu jirtaa iskuul iyo hoy, waxaana loogu talogalay in lagu dhaqan-celiyo dhallinyarada kasoo goosanaysa Al-shabaab," ayuu yiri ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Wafula Wamunyinyi oo ka mid ahaa saraakiishii booqday xaruntaas.

Wamunyinyi wuxuu sheegay in xaruntan ay faa'iido weyn ugu jirto dalka Soomaaliya isagoo sheegay in dhallinyarada la dhaqan-celinayo la bari doono aqoon ay dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan.

Dhanka kale, saraakiisha Midowga Afrika ayaa waxay sidoo kale isla shalay tageen golaha shacabka oo AMISOM ay kawaddo dayactir, iyadoo saraakiisha Midowga Afrika ay sheegeen in lasoo gabagabeeyay wajigii hore ee dayactirka.

Ugu dambeyn, saraakiishu waxay sheegeen in howsha dayactirka xarunta golaha shacbaka iyo dhismaha iskuulka ay ka mid yihiin mashaariic ay AMISOM ka fulinayso sannadkan dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya