4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2012
Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose

Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaar waxyaabaha qaraxa laga buuxiyay ayaa goor dhaweyd ka dhacay degmada Afgooyer ee gobolka Shabeellad hoose, waxaana mas'uuliyadda weerarkan sheegatay Al-shabaab.

Weerarka ayaa lala bartilmaameedsaday iskuulka sare ee degmada Afgooye oo saldhig u ahaa cidamada DKMG ah ee ku sugan degmadaas, iyadoo goobjoogayaal ku sugan degamda ay sheegeen in weerarku uu ahaa mid xooggan oo gilgilay magaalada.

"Qarax weyn ayaa dhacay, halkii uu ka dhacay waxaa ka baxaya olol iyo qiiq fara badan, ma garan karno cid walba ku noqtay, waayo goobta lama tegi karo," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Afgooye oo sabab ammaan u qariyay magaciisa.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah oo ku sugan degmada Afgooye ayaa iyaguna xaqiijiyay inuu qarax weyn ka dhacay saldhig ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen meel ku dhow koontaroolka laga galo degmada Afgooye.

Dhaqdhaqaaqa degmada Afgooye oo dhan ayaa la xayiray, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay ay gaareen ciidamo fara badan oo isugu jira kuwa dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM, kuwasaoo diiday in gudaha loo galo halka uu qaraxu ka dhacay .

Saraakiiil u hadlay Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan oo ay la beegsadeen ciidammo isugu jira kuwa nabadsugidda iyo booliiska, iyagoo sheegay in gudaha saldhigga ay ku sugnaayeen ku dhawaad 200-askari, intooda badanna ay qaraxa ku dhinteen.

Ma jiro hadal kasoo baxay dowladda KMG ah oo ku saabsan qaraxan, waxaana lagu soo beegay iyadoo maalmihii lasoo dhaafay uu degmadaas socdaal shaqo ku joogay madaxwenaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo shalay oo Jimco ahayd dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Wixii warkan kusoo kordha kala soco HOL, haddi Alle idmo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya