4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2012
Ahlusunna Waljamaaca oo sheegay in degmada Ceelbuur ay uga soo baxeen sababo la xiriira qaabkii dagaalka oo ay bedeleen

Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay inay bedeleen qaabkii ay kula dagaalami jireen Al-shabaab, taasna ay keentay inay isaga soo baxaan deegaanno ka tirsan gobolkaas oo ay ka mid tahay degmada Ceelbuur.

Afhayeenka Ahlusunna ee gobollada dhexe, Sheekh Axmed Cabdullaahi Ilka-Case ayaa sheegay inaysan uga soo bixin degmada Ceelbuur khilaaf soo dhexgalay iyaga iyo ciidamada Ahlusunna iyo culeys ay kala kulmeen Al-shabaab, balse ay ku timid is-bedel ay ku sameeyeen qaabka ay kula dagaalamaan Al-shabaab.

"Sababihii aan uga soo baxnay degmada Ceelbuur iyo deegaanka Wabxo waxay la xiriirtaa qorshihii dagaalka oo aan bedelnay, waayo xoogaggii halkaas ku sugnaa ee Al-shabaab waxay billaabeen inay iyagoo shan-shan u socda ay weeraraan goobihii aan ku sugnayn," ayuu yiri Sheekh Axmed Ilka-Case.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in qorshihii ay ku qabseen degmada Ceelbuur iyo deegaannada kale ee gobolkaas ay ahayd sidii ay u naafeyn lahaayeen wuxuu ugu yeeray cadowga, balse ay taasi suurigeli waday ayna go'aansadeen saraakiisha hoggaanka ciidanku in la bedelo qorshaha dagaal si loo dhabar-jabiyo mar kale.

"Al-shabaab waxay noqotay qodax dhulka ku mudan, taasna ayaana keentay inay khuburada milateriga ee Ahlusunna ku taliyaan in laga baxo deegaannadaas si waji kale loogu yeelo dagaalka looguna dhabar-jabiyo cadowga," ayuu yiri afhayeenka raaciyay hadalkiisa.

Mar uu ka jawaabayay su'aal ahayd in maamulka Ahlusunna iyo ciidamada Itoobiya ee gobollada dhexe ku sugan uu khilaaf u dhexeeyo, ayuu sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya, ayna ka mideysan yihiin sidii Al-shabaab loo cirib-tiri lahaa.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay inay taageersan yihiin dowladda KMG ah ayna ka mideysan yihiin sidii dalka loo gaarsiin lahaa dowlad dhameystiran looguna soo celin lahaa ammaankii iyo kala dambeyntii.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya