4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2012
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu aasayo Muqdisho

Jimco, June 15, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Allaha u raxmadee, Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Muqdisho, kaddib markii uu laba casho ka hor ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Maydka marxuum ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho halkaas oo lagula tukanayo salaadda janaasada, waxaana la xiray jidadka gala garoonka iyo kuwa taga xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

"Waxaa lagu aasi doonaa maydka marxuumka Qabuuraha qaranka oo ku dhow tarabuunka Muqdisho, aaskiisana waa mid heer qaran ah," ayuu sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya u sheegay warbaahinta.

Sheekh Mukhtaar ayaa wuxuu guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahaa muddo afar sano ah laga soo billaabo sannadkii 1966-kii illaa 1969-kii, waxaana isagoo si KMG ah u ah madaxweynaha Soomaaliya xilka dalka la wareegay ciidamada milateriga.

Marxuumka ayaa wuxuu ku geeriyooday dalka Kenya laba casho ka hor, iyadoo ay dowladda KMG ah ku dhawaaqday inay u sameynayso aas qaran, iyadoo lagu wado in aaskiisa ay ka qaybgalaan madaxda dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya