3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2012
Wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka Xukuumada KMG oo gaaray Beledweyne

Khamiis, June, 14, 2012 (HOL) – Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne wafdi balaaran oo uu hogaaminayay wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda KMG C/samad Macalin Maxamuud

Wasiirrka iyo wafdigiisa oo loo soo galbiyay gudaha magaalada ayaa waxaa ay kulamo kula qaateen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobollka Hotelka Madiina ee magaalada Beledweyne, oo siweyn amaankiisa u sugayeen ciidamada maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa dowladda Itoobiya.                

Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/samad Macalin Max’uud oo la hadllay waxgaradkii uu kulanka la qaatay ayaa sheegay in marka hore uu uga cudur darrayo booqashada dib u dhacday ee uu ku yimid magaalada Beledweyne, isaga maadaama magaalada Beledweyne tahay magaaladii ugu horeeysay ee soo gasha gacanta dowladda in uu mar soo gaaro.

Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday ujeedada socdaalkooda, waxaa uu sheegay in ay u guur-gali doonaan xaaladaha amaanka iyo habsami u socodka howlaha maamulka gobollka.

“Wafdigu waxaa uu isugu jiraa qeybo kala gadisan oo xukuumada ka tirsan, sidoo kale waxaa nala socda oo wafdiga wehliya saraakiil ka kala socta Midowgga Africa, UN-ka, IGAD, iyo wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya, wax kalana ma’aha ujeedada socdaalkooda ee waa uun in ay qiimeyn ku sameeyaan arrimaha nabad-galyada iyo sidii horay loogu sii dhaqaajin lahaa.

Wasiirrku waxaa uu sheegay in wasaarrada arrimaha gudaha qorshe balaaran ka leedahay gobollka sida uu hadalka u dhigay, islamarkaana xooga la saari doono sidii gacanta loogu dhigi lahaa qeybaha kale ee ka harsan gobollka Hiiraan.

‘’Waxaan amaan balaaran iyo mahad intaba u celinayaa ciidamada jooga halkan oo ay ugu horeeyaan kuwa Itoobiya ee noo soo gurmaday, ujeedaduna waa sidii horay loogu sii dhaqaaqi lahaa,’’ ayuu yiri,’’ wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.

Gobollka Hiiraan ayuu ku tilmaamay in uu yahay gobol istiraatiji ah, xukuumada iyo guud ahaan dowladdana fiiro gaar ah u leh, isaga oo sheegay in uu ku amaanayo maamulka gobollka Hiiraan shaqadii adkeyd oo ay qabteen mudadii ay gacanta ku hayeen magaalada.

“Waxaa aad u amaanayaa nabad-galyada buuxda ee ka jirta magaalada, taana waxaa mahadeeda iska leh ciidamada maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa Itoobiya, ayuu yiri,’’ wasiirka oo ka hadllayay aragtidiisa la xiriirta amaanka magaalada.

Sidoo kale waxaa ka hadllay kulanka ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan Axmed Inji, oo sheegay in ka maamul ahaan siweyn ugu faraxsan yihiin booqashada wafdiga dhinacyada badan leh ee uu horkacayo wasiirrka arrimaha gudaha, islamarkaana ay ku soo dhaweynayaan gobollka Hiiraan.

‘Wafdiga waan ku soo dhaweyneynaa magaalada, haddii ay doonaan waa ay ku soo wareegi karaan, amaanka waa mid sugan, sidaa waxaa yiri,’’ ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan.

Booqashada wafdiga wasiirrka arrimaha gudaha uu maanta ku tagay Beledweyne ayaa imaneysa xili uu gobollka ka maqan yahay guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.













Click here
6/14/2012 8:06 AM EST
Degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa guddi loo xilsaaray ay soo gabagabeeyeen daraasaynta dhulkii loogu talogalay dhismayaasha kastam cusub oo lagu canshuuro gawaarida isaga kala gooshta Soomaaliya iyo gobolka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

6/14/2012 8:05 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalacsiiyay 241 sarkaal oo ka tirsan ciidanka asluubta Soomaaliyeed, waxaana saraakiisha ay darajooyinkooda u dhexeeyaan G/sare illaa Xiddigle.

6/14/2012 7:39 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa maanta sheegay inay u magacaabeen shan xubnood oo cusub oo uga qaybgalaya wadahadallo la filayo inay dhawaan ka dhacaan London oo ay la yeeshaan dowaldda KMG ah ee Soomaaliya.

6/14/2012 7:18 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa maanta sheegay inay ciidammo booliis ah oo gaaraya 280 kana socda dallaka Uganda iyo Nigeria la geyn doonto Muqdisho si ay gacan u siiyaan ciidamada booliiska Soomaaliya.

6/14/2012 6:32 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Md:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa xafiiskiisa kulan kulayeeshay Toddobadda magaallo ee ugu waaweyn Somaliland maayiradoodda, kuwaas oo uu kula dardaarmay inay hawlaha ay u hayaan magaalooyinka ay madaxda ka yihiin inay si fiican oo cadaaladda leh ugu shaqayaan, nabadgalyaddana si weyn u xoojiyaan.

6/14/2012 3:54 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee dowladda KMG ah, Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa maanta u dhoofay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

6/14/2012 2:09 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Laba qof ayaa ku dhintay qarax xalay ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, iyadoo saraakiisha booliiska Soomaaliya ay sheegeen saakay in labada qof ee qaraxaas ku dhintay ay ka mid ahaayeen xoogagga Al-shabaab.

6/14/2012 2:08 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay kobcinta iyo tayeynta fanka Soomaaliyeed oo muddo labo maalmood soconayay ayaa lagu soo gaba-gabeeyay xarunta hay'adda cilmi-baarista iyo wada-tashiga ee CRD, waxaana kulankaas ka qaybgalay abwaanno, fannaaniin, muusikatayaal, iyo jilayaal.

6/14/2012 2:05 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Dagaalyahanno Soomaali ah oo la sheegay inay ka barbar dagaalamayeen ururka Ansaarul-sunna ee dalka Yemen oo taabacsan ururka Al-Qaacida ayaa lagu dilay duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Koonfurta dalka Yemen.