3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Toddoba Maayar oo ka tirsan Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland


Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Md:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa xafiiskiisa kulan kulayeeshay Toddobadda magaallo ee ugu waaweyn Somaliland maayiradoodda, kuwaas oo uu kula dardaarmay inay hawlaha ay u hayaan magaalooyinka ay madaxda ka yihiin inay si fiican oo cadaaladda leh ugu shaqayaan, nabadgalyaddana si weyn u xoojiyaan.

Sidoo kale, Maayaradda ayaa iyaguna warbixin ka siiyey madaxweynaha magaalooyinka ay maayarka ka yihiin iyo wixii u qabsoomay muddooyinkii u dambeeyey oo ay sheegeen inay hawlo badan u qabsoontay.

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxweynaha Cabdilaahi Daahir Cukuse, waxaanu u qornaa sidan: "Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay 7-da Maayer ee Magaalooyinka ay darajadoodu tahay A-da", waxaa intaas lagu daray "Kulankan oo daba socday kulan u Madaxweynuhu hore ula yeeshay Badhasaabada Dalka 05/06/2012."

"waxa uu Madaxweynuhu maayerada ka dhegaystay warbixin la xidhiidha hawlaha ay qaranka u hayaan iyo xidhiidhka wada shaqaynayd ee Hay’adaha Dawladda.Warbixintaa dheer waxay Maayiradu kaga warameen wax-qabadkooda labadii sanno ee ugu dambeeyey oo ay sheegeen inuu aad iyo aad uga badan yahay Sannadihii ka horeeyey waxaanay taa ku amaaneen Xukuumada Cusub ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay sheegeen in ay ka helaan Gacan qabasho u suurto gelisay dedaalka ay sameeyeen"ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.


Sidoo kale waxa la sheegay in Maayeradu ay soo jeediyeen talooyin badan oo wax ku ool ah gaar ahaana khuseeya dhinaca nabad-gelyada iyo cadaalada.

Intaas kaddib wuxuu madaxweynuhu maayerrada uga mahad-celiyey talooyinka ay soo-jeediyeen iyo wax-qabadkoodaba, waxaanu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda isla markaana ay indho gaara ku hayaan nabad-gelyada iyo cadaalada oo uu sheegay inay yihiin Aas-aaska Nolosha iyo Dawladnimadaba.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo horana waxa uu kula kulamo sidan oo kale ah la yeeshay Badhasaabyadda gobolada Somaliland, kuwaas oo uu warbixin ku aadan goboladooda ka dhagaystay.


Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
6/14/2012 8:07 AM EST
Khamiis, June, 14, 2012 (HOL) – Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne wafdi balaaran oo uu hogaaminayay wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda KMG C/samad Macalin Maxamuud

6/14/2012 8:06 AM EST
Degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa guddi loo xilsaaray ay soo gabagabeeyeen daraasaynta dhulkii loogu talogalay dhismayaasha kastam cusub oo lagu canshuuro gawaarida isaga kala gooshta Soomaaliya iyo gobolka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

6/14/2012 8:05 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalacsiiyay 241 sarkaal oo ka tirsan ciidanka asluubta Soomaaliyeed, waxaana saraakiisha ay darajooyinkooda u dhexeeyaan G/sare illaa Xiddigle.

6/14/2012 7:39 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa maanta sheegay inay u magacaabeen shan xubnood oo cusub oo uga qaybgalaya wadahadallo la filayo inay dhawaan ka dhacaan London oo ay la yeeshaan dowaldda KMG ah ee Soomaaliya.

6/14/2012 7:18 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa maanta sheegay inay ciidammo booliis ah oo gaaraya 280 kana socda dallaka Uganda iyo Nigeria la geyn doonto Muqdisho si ay gacan u siiyaan ciidamada booliiska Soomaaliya.

6/14/2012 3:54 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee dowladda KMG ah, Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa maanta u dhoofay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

6/14/2012 2:09 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Laba qof ayaa ku dhintay qarax xalay ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, iyadoo saraakiisha booliiska Soomaaliya ay sheegeen saakay in labada qof ee qaraxaas ku dhintay ay ka mid ahaayeen xoogagga Al-shabaab.

6/14/2012 2:08 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay kobcinta iyo tayeynta fanka Soomaaliyeed oo muddo labo maalmood soconayay ayaa lagu soo gaba-gabeeyay xarunta hay'adda cilmi-baarista iyo wada-tashiga ee CRD, waxaana kulankaas ka qaybgalay abwaanno, fannaaniin, muusikatayaal, iyo jilayaal.

6/14/2012 2:05 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Dagaalyahanno Soomaali ah oo la sheegay inay ka barbar dagaalamayeen ururka Ansaarul-sunna ee dalka Yemen oo taabacsan ururka Al-Qaacida ayaa lagu dilay duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Koonfurta dalka Yemen.