4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2012
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha DKMG Soomaaliya oo socdaal ugu ambabaxay Magaalada Baladweyne

Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee dowladda KMG ah, Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa maanta u dhoofay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xubnaha wafdigan ayaa waxay ka kooban yihiin, xidlhibaanno, wasiirro iyo saraakiil ciidan, iyadoo magaalada Baladweyne ay ka socoto qabanqaabo lagu soo dhaweynayo wafdigan, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay uga gudbi doonaan degmooyin kale oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla.

"Mas'uuliyiinta dowladdu waxay soo qiimeynayaan xaaladda ammaan ee degmada Baladweyne ka jirta, waxayna kulammo la qaadan doonaan xubnaha maamulka iyo saraakiisha ciidamada," ayuu saxaafadda u sheegay mas'uul wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya.

Socdaalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ay ku tagaan Baladweyne, iyadoo la xusuusto in horraantii sannadkan ay booqasho ku tageen xarunta gobolka Hiiraan wafdi uu hoggaaminayo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxay booqashadiisa imaanaysaa iyadoo guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya, C/fitaax Xasan Faarax uu safar shaqo uu ugu maqan yahay dalka Jabuuti.

Magaalada Baladweyne ayaa noqonaysa magaalada ugu weyn ee ka tirsan gobolka Hiiraan oo gacanta ugu jirta dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo Al-shabaab laga qabsaday bishii Diseember ee sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya