4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 1 , 2012
Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo kasoo horjeestay shirka Istanbuul
Jimco, June 01, 2012 (HOL) - Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo ka taliya qaybo kamid ah deegaannada gobollada dhexe ayaa kasoo horjeestay shirka dhinacyada Soomaalida iyo beesha caalamka uga soconaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Mr_Hussein.jpg
Madaxa siyaasada ee ururka Ahlu Sunna Waljamaaca C/salaan Aadan Xuseen




Madaxa siyaasada ee ururka Ahlu Sunna Waljamaaca C/salaan Aadan Xuseen oo soo saaray qoraal loo qaybiyay warbaahinta ayaa tilmaamay in aan lagu casumin shirkaasi ururkooda, taa badalkeedana loo yeertay shakhsiyaad aan matalin ururka oo shirkaas kaga qaybgalay magaca Ahlu Sunna.

Waxaana uu sheegay in Ahlu Sunna ay soo dhawaynayso shir walba oo looga hadlayo nabadaynta Soomaaliya, balse ay diidanyihiin in dad aan matalin ay magacooda ku tagaan shir xal loogu raadinayo Soomaaliya.

Dawlada Turkigu ayuu ugu baaqay inay ka fiirsato cida ay ku cusamayso shirarka ay u qabanayso dhinacyada Soomaalida.

Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo kamid ah dhinacyada siyaasadda Soomaalida, isla markaana ah saxiixayaashii Roadmapka ayaa qoraalkoodan ku sheegay inay ka go'antahay nabad ku soo dabaalida Soomaaliya.

Hoos ka akhriso nuqul kamid warsaxaafadeedka oo ku qoran English:

viewer.gif
viewer2.gif
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya