4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 1 , 2012
Ciidamado ka socda Dalka Jabuuti oo maanta gaaray magaalada Beledweyne


Jimco,  Jun, 01, 2012 (HOL) – Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne cutubkii ugu horeeyay ciidamo ka soda dowladda Jabuuti kuwaasoo qeyb ka noqon doona howlgalka midowgga Africa ‘’AMISOM’’ ee dalka Soomaliya.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay ciidamada mas’uuliyiinta maamulka gobollka uu horkacayay guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax, saraakiisha ciidamada Itoobiya, odayaal dhaqameed iyo waliba waxgarad ka socda qeybaha kal duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha maamulka gobollka C/fitaax Xassan Afrax ayaa markii ay soo degeen ciidamada mid mid u gacan qaaday, sidoo kalana waxaa halkaa ciidamada ku soo dhaweeyay oo gacan qaaday odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan.


Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa siweyn u hadal haya imaashaha ciidamada dalka Jabuuti oo aragtiyo kala duwan laga bixinayo, waxaana muuqata in dadka intiisa badan ay siweyn u soo dhaweynayaan ciidamada Jabuuti oo ay leeyihiin waa kuwo ugu yaraan aan isku fahmi karno dhinaca luuqadda.

Saraakiisha midowgga Africa ayaa horay u sheegay in magaalada Beledweyne ka mid tahay goobaha lagu balaarinayo howlgalka midowgga Africa, iyadoo lagu wado in ciidamada dalka Jabuuti ay kala wareegaan nabad-galyada magaalada ciidamada dowladda Itoobiya ee gacanta siinaya kuwa maamulka gobollka Hiiraan.







C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.