4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2012
Madaxweynaha DKMG Somalia oo magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha bankiga horumarinta ganacsiga Soomaaliya, Prof. C/llaahi Axmed Afrax.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu xilkan magacaabay isagoo tixraacaya Axdiga KMG ah ee dalka iyo xeerarka shaqaalaha rayidka ah, wuxuuna xusay in mas'uulkan lagula dhaqmi doono xeerarka shaqaalaha rayidka ah ee dalka.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu jagadan magacaabay markii uu arkay baahida loo qabo, sidoo kalena uu soo jeedin ka helay ra'iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali.

Prof.  C/llaahi Axmed Afrax ayaa wasiir kasoo noqday xukuumaddii Prof. Cali Maxamed Geeddi uu hoggaaminayay, waxaana ay noqonaysaa markii koowaad oo xil sare loo magacaabo tan iyo xilligaas.

Magacaabistan waxayaa waxay imaanaysaa iyadoo bankigii horumarinta ganacsiga Soomaaliya uu burbursan yahay, iyadoo aysan dowladda KMG ah dayactir ku sameyn, iyadoo sidoo kale magacaabiddan ay imaanayso xilli jirtaanka DKMG ah ay maalmo ka harsan yihiin.

Wareegtadan oo ku taariikheysnayd toddobadkii bishan ayaa waxay dhaqangalaysaa sida lagu sheegay maanta oo lagu baahiyay faafinta rasmiga ah, lagana sii daayay warbaahinta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya