4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2012
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in Hay'ad iyo Sharikad aan Sharci haysan aysan ka howlgalayn Muqdisho
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha DKMG ah ee Soomaaliya, C/samad Macallin Maxamuud ayaa sheegay maanta oo Axad ah in hay'adaha iyo shirkaha aan diiwaan-gashanayn aysan ka shaqeyn karin gudaha dalka, sidoo kalena wuxuu ka digay in magaalada Muqdisho lagu qaato hub aan sharci loo haysan.

C/samad Macallin ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay Muqdisho ku yeesheen guddiga ammaanka Qaranka oo uu xubin ka yahay, isagoo sidoo kale xusay inaan loo dulqaadan doonin dadka ugaarsanaya suxufiyiinta.

"Hay'adaha maxaliga ah iyo shirkadaha ka howlgala Muqdisho waa inay is-diiwaan-geliyaan, hay'addii ama shirkaddii aan sharci lahayn kama howlgalayso Soomaaliya," ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in hay'adaha iyo shirkaduhu ay fursad u haystaan inay is-diiwaan-geliyaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka shaqeeya hay'ado iyo shirkado kala duwan; iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo mas'uul ka tirsan DKMG ah uu hay'adaha gudaha dalka ka shaqeeya ku amro inay sharci sameystaan.

"Dadka hubka ku wata gudaha magaalada waxaan u sheegaynaa inaan la ogolaan doonin cid aan sharci u haysan inay hub wadato, ciddii lagu helo iyadoo hub aan sharci ahayn wadata waxaa loo arkayaa inay nabadda lid ku tahay," ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in howgallada ka socda Muqdisho ay yihiin kuwo lagu adkeynayo ammaanka, wuxuuna sheegay inay socon doonaan inta ammaanka caasimadda oo dhan uu ka noqonayo mid hagaagsan.

Amarkan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda KMG ah ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab labada degmo ee Balcad iyo Afgooye oo ku dhow Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya