4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2012
Shil baabuur oo ay ku geeriyoodeen Afar qof oo ka dhacay Jidka isku xira Magaalada Berbera iyo Hargeysa
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Alla ha u naxariistee waxa shalay galab geeri naxdin lihi ka dhacday jidka u dhexeeye Berbera iyo Hargeysa, kaas oo galaaftay saddex qof oo isku qoys ah iyo nin kale oo la socday, halkaas oo ay afartooduba ku geeriyoodeen.

Shilkan baabuur oo ka dhacay tuuladda Diinqal ee u dhexeysa magaaladda Berbera iyo Hargeysa ayaa waxa sabab u ahaa ka dib markii gaadhiga Qoyskan geeriyooday  la socdeen uu dul maray gaadhi kale oo weyn oo ka hor yimid, waxaana gaadhigan qoyska dhami ku geeriyoodeen usoo socday magaaladdda Hargeysa, halka gaadhiga kalana ku sii jiiday magaaladda Berbera, waxaana la sheegayaa in gaadhiga qoyska geeriyooday dul maray ku socday xawaare sare. haseyeeshee waxay wararku sheegayaan in gaadhigaas weyn aanay khasaare badani soo gaadhin.

Qoyskan dhintay ayaa ahaa hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay, halka adeerkood oo gaadhiga wadayna uu dhaawac  xuni soo gaadhay, laguna daweynayo cisbitaalka magaaladda Hargeysa, sidoo kale waxa iyana dadka dhintay ka mid ah nin dariiqa ka soo raacay oo aan qoyska ka mid ahayn.

Qoyskan is dhalay ee shilka baabuur ku geeriyooday ayaa ka yimid magaaladda Sheekh ee gobolka Saaxil, halkaas oo ay ka soo qaadeen Innan (gabadh) ay  dhaleen oo ka qalinjabisay dugsiga sare ee hoyga ah ee SOS ee ku yaalla magaaladda Sheekh.

Qoyskan is dhalay ee shilka baabuur ku geeriyooday ayaa maanta lagu aasay magaaladda Hargeysa, halkaasi oo ay ka soo qaybgaleen qaar ka mid ah madaxda Qaranka Somaliland.

Sanadahan u dambeeyey aya waxa kor u kacay shilalkii Baabuurka, kuwaas oo inta badan ay ku dhacaan jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa, waxaana toddobaadkan dhacdadan oo kale ka dhacay  jidkan Berbera iyo Hargeysa u dhexeeye qoys ku socday garoonka diyaaradaha ee Berbera oo gaadhi la qalibmay, halkaasi oo shan qof oo isku qoys ahi qaarna ku dhaawacmeen qaar kalana ku geeriyoodeen.

Si kastaba ha ahaatee, shilalka baabuurka ayaa aad usoo badanaya, iyadoo ay sababayaan xawaaraha sare ee ay ku socdaan iyo Qadarka alle oo meesha yaallay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland