3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2012
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dalbaday in Dastuurka lagu qoro in Caasimadda Soomaaliya ay Muqdisho tahay


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud A.(Tarzan)


Jimco, July 06, 2012(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa si kulul u dhaliilay dastuurka cusub ee loo sameynayo dalka Soomaaliya, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dhaliilsan yahay dastuurka.

Guddoomiyaha oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Dastuurkan uu yahay mid muddo dheer la qarinayay oo la diidanaa in dadka loo soo bandhigo, hadda oo la soo bandhigayna ay ku arkeen waxyaabo ka dhan ah midnimada Umadda Soomaaliyeed.

“Dastuur marka Ummad loo sameynayo waa in lagu qoraa waxa Umadda lagu xukumayo ay dooneyso ee ma ahan in lagu waxyaabo dad dano gaar ah wato ay doonayaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan).

Guddoomiyaha oo arrintan ka sii hadlayay waxaa uu sheegay in Dastuurkan ay sameeyeen dad maslaxad gaar ah wata, kuwaasi oo bedelay sida  uu yiri qodobbo badan oo ay soo sameeyeen Guddi madax bannaan oo muddo dheer ka soo shaqeynayay dastuurkan.

“Dastuurkani kuma qorna Muqdisho in ay tahay caasimadda dalka Soomaaliyeed, Muqdishana waa meeshii mideyneysay Umadda Soomaaliyeed, haddii laga bedelana macnaheeda wuxuu noqonayaa in la kala dirayo Umadda Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

“Haddii dastuurkani yahay mid la doonayo in shacabka Soomaaliyeed lagu xukumo waa in lagu qoraa caasimadda Soomaaliya in ay Muqdisho tahay, haddiise uu yahay dastuur dad gaar ah leeyihiin iyaga ayaa lagu xukumaa ee shacabka Soomaaliyeed shaqo kuma lahan” ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka gaabsaday in ay sameynayaan dhaqdhaqaaqyo dastuurka ka dhan ah ayaa wuxuu ku celceliyay in ay dalbanayaan in dastuurkan lagu qoro caasimadnimada Muqdisho, wuxuuna madaxda dowladda ka rajeeyay in ay arrintaas gartaan.

Dastuurka loo sameynayo Soomaaliya oo aan weli la ansixin ayaa tan iyo markii qabyo-qoraalkiisa la soo bandhigay waxaa uu dhaliyay guux dadweyne iyadoo dad badan oo ka hadlayna ay siyaabo kala duwan uga hadlay. Qabyo-qoraalka dastuurka ayaa ansixintiisa lala sugayaa ergooyin ay soo xuli doonaan Oday dhaqameedyo Soomaaliyeed oo Muqdisho ku shirsan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/6/2012 5:01 AM EST
Jimco, July 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Nakuru ee gobolka Rift Valley ee dalka Kenya ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go'an tahay inay Al-shabaab kula dagaalamaan gudaha Kenya iyo Soomaaliya.

7/6/2012 4:53 AM EST
Jimco, July 06, 2012 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab ayaa dagaallo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ka dhacayay gobolka Bakool ka sheegatay guulo, iyadoo sheegtay inay ka jareen ciidamada ku sugan degmada Xudur sahaydii u tegi jirtay.

7/6/2012 4:46 AM EST
Jimco, July 06, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogtay laba sarkaal oo Eritrean ah, kuwaasoo lagu eedeyay inay taageero siiyeen kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.