4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2012
Hay'ad Samafal oo sheegtay in boqolaal kun oo qof ay khatar ugu jiraan cunno yaraan ku wajahan Soomaaliya
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Hay'adaha Save the Children ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo khamiis ah ku sheegtay in boqolaal kun oo Soomaali ay khatar ugu jiraan cunno yaraan ba'an oo Soomaaliya ku wajahan, kaddib markii ay yaraadeen roobabkii sannadkan di'i lahaa.

Digniintan ayaa qayb ka noqonayso digniino noocan oo kale oo ay bixiyeen qaar ka mid ah hay'adaha samafalka caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa Qarmaada Midoobay kuwaasoo sheegay in digniintooda ay ka dhalatay saadaalo la sameeyay.

"Sannadkii hore cunno la'aantii ka dhalatay abaarihii xumaa ee ku dhuftay Somalia waxay sababeen in qoysas badan ay deegaannadooda uga carareen," ayay tiri Sonia Zambakides oo ah madaxa barnaamijyada hay'adda badbaada caruurta ee Soomaaliya.

Hay'addu waxay sheegtay in roob yaraatii sannadkan ay sababeen in dalagii uu u soo go'i waayo sidii la rabay, tanina ay sabab u noqon karto in 1.4-milyan oo ku barakacay abaarihii sannadkii hore ay dib ugu soo kabsan waayaan.

Sidoo kale, hay'adaha gargaarka ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay gacan ka geystaan sidii dhibaatada cunno yaraan ee ka taagan dalka geeska Afrika ku yaalla ee Soomaaliya.

"Waxaan u baahannahay in la qaado taallaabooyin looga hortagayo khatarta cunno yari ee ku wajahan Soomaaliya, sidoo kalena looga hortagayo in baahida dadkaas ay noqoto mid muddo socota," ayay tiri Zambakides.

Abaarihii sannadkii hore ku dhuftay Soomaaliya ayaa waxay saameyn ku yeesheen 10 milyan oo qof oo ku nool afar waddan oo Bariga Afrika ku yaalla, kuwaasoo ay ku jirto Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu noqday midkii ay saameyn xun ku yeelatay abaartii sannadkii hore sidoo kalena ay uga tagtay saameyn weli muuqata, iyadoo cabsida ugu weyn ee jirta ay tahay in dadkii ay abaaruhu horay u saameeyeen ay mar kale khatar wajahaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya