3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2012
C/RAXMAAN C/QAADIR: “Umadda Somaliland waa Ummad Wanaagsan oo u baahan cadaalad iyo madax daacad ah”

Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga KULMIYE C/raxmaan C/Qaadir oo jug ka soo gaadhay shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga Taladda haya ee KULMIYE oo muddo xaalad caafimaad ku maqnaa dalka Ingiriiska ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana duleedka magaaladda Hargeysa kaga hor tagay boqolaal Dadweyne iyo gaadiid faro badan oo ku soo dhoweeyey magaaladdda Hargeysa.

Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo ay iskugu yimaadeen qaar ka mid ah ururadda hadhay, siyaasiyiin madax banaan, xisbiyadda Qaranka iyo madaxda sar-sare ee ururka XAQSOOR ayaa loogu sameeyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Hotel Kaah ee magaaladda Hargeysa.

“Waxaynu dadka kale kaga duwanahay waa gobonimada aanu xaqdarada kaga dagaalano, waxa jira xadiis odhanaya walaalkaa haddii uu gardaran yahayna u hiili, haddii laga gardaran yahayna u hiili”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo sheegay inuu ku faraxsan yahay siday shacabku ugu hiiliyeen dulmigii lagu sameeyey, isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “umadda somaliland waa ummad wanaagsan oo kaliya u u baahan cadaalad iyo madax daacad ah, shacab ka wanaagsan ma jiro, afar qaaradood ayaan ku noolaa, intaas oo dad oo kala jaad ah ayaan la soo dhaqmay, dadkaasi markaan dadka Somaliland ka dhex arko wanaagooda waxtarkooda gobonimadooda mar walba waan u qushuucaa, waxaan ilaahay ka baryeyaa madaxdii u qalmaysay, ee wax u tari lahayd inay mar un hesho”ayuu yidhi

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay afhayeenka xisbiga mucaaradka ah UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo si weyn u dhaliilay wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga kulmiye, isagoo sheegay inuu ka xun yahay in aanay soo dhoweyn saaxiibkoodii xisbiga ay ku wada jiri jireen.


“Anigu daalin iyo midluun, madluun baan u hiilinayaa, cadaalada iyo cadaala daradana cadaalada ayaan u hiilinayaa,beenta iyo runtana runta ayan u hiilinayaa”ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga UDUB Cali Gur, waxaanu intaas ku daray “ Wixii uu kulmiye foolxumada u yaqaanay markii ay  ololaha doorashada ku jireen waxa iska cad inay maanta qurux u yaqaanaan oo ay ku faanayaan, wixii ay wanaaga u yaqaaneen ee balanqaadadooda ku jiray ee ay  ka mid ahaayeen cadaalada,madaxbanaanida saxaafada iyo xoriyatul qawlka maanta waa wax la fool xun indhahooda”ayuu yidhi.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Rayte oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiiiladda ayaa sheegay in xaqdarada iyo dulmiga aan cidnaba lagu taageerin, isla markaana bulshadda ugu baaqay inay taageeraan cadaaladda, “ maanta waxaynu ku soo  dhoweynaynaa anagoo ka kala socona ururo badan oo bulshadda ah, xildhibaano, siyaasiyiin iyo ururo kale duwan oo siyaasadeed ururada bulshadda”ayuu yidhi XIldhibaan Raygal.


“anigu shir ceebeed baan u aqaanaa shirkii kulmiye, dhaawacii ka soo gaadhay oo uu hore ugu dhaawacmay maanta waxaan ku faraxsanahay inaynu ku soo dhoweyno isagoo caafimaad qaba, waxaanu u soo dhoweynaynaa dadka meesha iskugu yimid waa dad ka damqanaya xaqdarada, cadaalad darada iyo hab dhaqanka hadhaagii xukuumadiii hore ee laga dagaalamay”ayuu yidhi xildhibaan Rayte, waxaanu shacabka ugu baaqay inay cadaaladda taageeraan.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Baar Siciid  oo ka mid ah golaha Wakiiladda, gudoomiyaha urur Siyaasadeedka Jamhuuriga, gudoomiye ku xigeenka urur XAQSOOR
Cali Maxamuud (Cali Sandule)  oo iyagu si weyn oo aan kala hadh lahayn uso dhoweeyey.

Siyaasigan Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa shir weynihii golaha dhexe ee KULMIYE si jujuub ah xilka looga qaaday, iyago markii dambana shirka dibadda looga tuuray, taas oo jug weyni ka soo gaadhay dhabarka iyo qoorta, ka dibna xaalad caafimaad oo degdeg ah dibadda loogu qaaday, haseyeeshee, ururadda siyaasadda ayaa tartan ugu jira sidii uu ugu soo biiri lahaa.






Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
7/5/2012 12:37 PM EST
Khamiis, July, 5 2012 (HOL)- Maktabada wareegta oo qayb ka ah carwada caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo maalmaha soo socda lagu qaban doono magaaladda Hargeysa, ayaa safar ku tagay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waxaana soo dhoweyey ardayda jaamacadaha Boorame iyo Naadiga Akhriska gobolka Awdal ee Maskax-maal.

7/5/2012 8:34 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Hay'adaha Save the Children ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo khamiis ah ku sheegtay in boqolaal kun oo Soomaali ay khatar ugu jiraan cunno yaraan ba'an oo Soomaaliya ku wajahan, kaddib markii ay yaraadeen roobabkii sannadkan di'i lahaa.

7/5/2012 8:17 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Dr. C/raxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyoow) oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa soo jeediyay in loo diyaar-garoobo tartan doorasho oo xalaal ah, xilli uu warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

7/5/2012 8:16 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Wafdi uu horkacayay guddoomiyaha hay'adda CCD, Ciise Axmed Cumar oo ay ka mid ahaayeen fannaaniinta kooxda Qayla-dhaan sida Jooqle Shire Jaamac iyo, Cabdixakiim Ciise Guuleed (Farayare) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

7/5/2012 7:28 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo ka mid ah saraakiisha milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in 3,000 oo dhallihyaro ah lagu qabtay howgallo ay ciidamada dowladda KMG ah ka sameeyeen Muqdisho, iyadoo 235 ka mid ah la sheegay in la ogaaday inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

7/5/2012 6:52 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Wafdigan oo ka socda Hay'adda NRC islamarkaasina ay wehlinayeen wufuud ka socota dowladda Kenya ayaa magaalada Dhoobley kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni ee ka dagaalama gobollada Jubooyinka.

7/5/2012 4:02 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa booqday xarunta shirkad lacago u daabacaysa Soomaaliya oo ku taalla dalka Suudaan, isagoo kulan la qaatay madaxa shirkaddaas daabacaadda sameysa.

7/5/2012 3:59 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah ayaa saakay howgallo ka billaabay degmooyin ka tirsan Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha oo ka mid ah deegaannada ku yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

7/5/2012 3:59 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Hal qof oo la sheegay inuu ahaa ruuxii aasayay ayaa ku dhintay miino xalay ka qaraxday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo maamulka degmadaas uu sheegay inaysan jirin cid kale oo waxyeello kasoo gaartay qaraxaas.