6/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2012
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo lagu wado inay Madaxda Soomaalida kula kulanto Magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, Hillary Clinton ayaa lagu wadaa inay madaxda Soomaaliya kula kulanto bisha soo socota ee Ogoosto magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo ay booqasho ku imaanayso.


Kulanka Clinton iyo saxiixayaasha Roadmap-ka ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doono sidii xilliga KMG-nimada Soomaaliya loogu soo af-meeri xilligii horay loogu qabtay oo ah 20-ka bisha Ogoosto ee sannadkan.

Hillary Clinton ayaa lagu wadaa inay booqato lix waddan oo ku yaalla Qaaradda Afrika kuwaasoo kala ah: Kenya, Uganda, Koonfurta Suudaan, Sinigaal, Koonfur Afrika iyo Malawi, iyadoo war kasoo baxay xafiiska xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka lagu sheegay in maanta ay billaabanayaan booqashooyinkeeda.

Madaxda Soomaalida ayaa waxay hadda ku mashquulsan yihiin doorashooyinka ka dhacaya dalka bisha Ogoosto, taasoo ay u taagan yihiin murashaxiin fara badan oo uu ku jiro madaxweynaha Soomaaliya.

Inkastoo uusan jirin hadal kasoo baxay dhinaca dowladda KMG ah iyo maamullada dalka ka jira ee saxiixay heshiiskii Roadmap-ka ayaa haddana wuxuu kulankan u noqonayaa madaxweyne Shariif Sheekh markii labaad oo uu Clinton la kulamo tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Uganda ay kala hadli doonto sidii uu u xoojin lahaa gacanta uu ka geysanayo sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka guud ee Soomaaliya oo ay ciidammo ka joogaan dalkiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/31/2012 3:43 PM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) - Dab geystey khasaare maaliyadeed oo xoogan ayaa gelinkii danbe ee shalay ka kacay deegaan beereedka Karin oo qiyaastii 30km magaalada Boosaaso waqooyiga kaga beegan.

7/31/2012 2:54 PM EST
Talaado, July 31, 2012— Madaxda wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa maanta kulan la qaatay shaqaalaha ka howlgala Isbitaalka guud ee magaalada Garoowe. kulankan oo ahaa mid ay wasaaradu soo qaban qaabisay waxaa looga wada hadlayey sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha uu Isbitaalku qabo, adeega uu bulshada u hayana loo dar dar gelin lahaa.

7/31/2012 2:38 PM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) - Qabuuraha Cir-jiife ee magaalada Gaalkacayo waxaa duhurnimadii maanta lagu aasay AHN nabadoon Cabdilaahi Maxamed Xasan (Farey) iyo walaalkiis Cismaan Maxamed Xasan, kuwaas oo ay xalay dabley Baaskoolado ku hubeysni ku dileen gudaha xaafadda Israac.

7/31/2012 1:07 PM EST
Talaado, July 31, 2012(HOL): Waxaa caawa Salaaddii maqrib kaddib Muqdisho lagu dilay Majaajiliiste ay si weyn u yaqaaneen dadka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jeylaani (Marshaale), waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan.

7/31/2012 9:41 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa looga dhawaaqay maanta isbahaysiga madaxa-bannaan ee turxaan-bixinta Soomaaliya, kaasoo uu guddoomiye u yahay Xasan Shire Sheekh.

7/31/2012 8:35 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Taliyaha Booliska Somaliland Jen: Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in hawlgal balaaran oo ciidanka Boolisku ay ka sameeyeen magaalada Hargeysa ay kusoo qabqabteen illaa kontomeeyo tuug kuwaasoo maalmihii u dambeeyey falal tuuganimo ah kula kacayey dadweynaha.

7/31/2012 8:25 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Siddeed murashax oo ka mid ah xubnaha u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa shir ay ku yeesheen Muqdisho ka sheegay inay mideynayaan awooddooda si ay uga qaybgalaan doorashada madaxnimo ee dalka Soomaaliya.

7/31/2012 7:08 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Kulankan ayaa looga hadlay sidii ay wada-shaeyn u dhexmari lahayd ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatadii furay maxjarka Ancaam iyo ganacstada Soomaaliyeed ee dhoofisa xoolaha.

7/31/2012 6:54 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay shan kalena waxay k dhaawacmeen qarax ciidammo ka tirsan DKMG ah lagula eegay degmada Yaaqshiid iyo shil gaari oo ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

7/31/2012 6:41 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Barnaamij loogu magacdaray Baraarug oo haya'dda CRD ay soo qabanqaabisay laguna maalgelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shalay oo Isniin ahayd lagu qabtay Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen boqolaal dhallinhyaro ah.

7/31/2012 2:46 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ayaa xalay dhac baahsan ka geystay xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, iyadoo falkan uu imaanayo xilli madaxweynaha DKMG ah oo shalay booqday degmadaas uu amar ku bixiyay in laga hortago falalka dhaca ah ee ay geysanayaan ciidamada dowladda.

7/31/2012 2:45 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa si rasmi ah u furantay shalay oo Isniin ahayd dacwad ay afar urur siyaasadeed oo qiimeyntii ururada ku hadhay ku soo oogeen guddidda Diiwaangelinta ururadda yo Axsaabta qaranka.

7/31/2012 2:41 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay Waqooyiga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug nabaddoon caan iyo nin la dhashay, iyadoo sidoo kale ay kooxo hubeysan ku dileen degmada Baydhabo shalay gallinkii dambe nin taksiile ah.