3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2012
Dhagaysiga dacwad ka dhan ah Guddiga Diiwaan-gelinta Somaliland oo ka furantay Magaalada Hargeysa
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa si rasmi ah u furantay shalay oo Isniin ahayd dacwad ay afar urur siyaasadeed oo qiimeyntii ururada ku hadhay ku soo oogeen guddidda Diiwaangelinta ururadda yo Axsaabta qaranka.

Afartan urur siyaasadeed ayaa ka mid ahaa 15 urur siyaasadeed oo doonayey inay ka qaybgalaan doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland oo la filayo inay dhowaan ka dhacaan dalka,  balse guddidda DIiwaangelinta ururadda oo qiimeyn iyo kala reebis ku samaynayey ururadda ayaa sheegay in sagaal urur oo afartan urur ka mid yihiin ku hadheen qiimeyntaasi lagu samaynayey ururadda siyaasadda, isla markaana aanay ka qaybgali Karin doorashooyinka soo socda, halka lix urur ku soo baxeen qiimeyntaasi.

Haseyeeshee, afartan urur ayaa ku qanci waayey qiimeynta la sheegay waxayna dacwad ka dhan ah guddidaasi ka furteen maxkamadda sare, iyagoo sheegay inay marayaan wadadii sharcigu u jideeyey in cidii qanci waydaa marto oo ah garsoorka dalka.

Dhagaysigan Dcwada ka dhanka ah guddidda waxay maanta ku bilaabnantay ururka UDHIS doodiisa iyo cadaalad darada uu tirsanayo iyo wailba qodobadda sharciga ah uu sheegay in la jabiyey, halka ay guddiduna uu u joogay looyar ka difaacayey eedaha loo soo jeediyey.

Dhagaysan ayaa todobnaadkan socon doono oo urur waliba waxa uu ku eedeynayo guddidan soo bandhigay, waxaana ugu dambayn go’aan soo saari doono maxkamadda sare ee Somaliland.

Afartan urur ee gal dacwadeedka ka furtay maxkamadda ayaa kala ah Ururka UDHIS,  NDB, jamhuuriga, iyo Horyaal, kuwaas oo si degan u dhagaysanayey dacwadda, waxaanay sheegeen inay marayaan jidkii sharcigu u jideeyey, wallow qaarkood ka caga jiidayeen inay maxkamaddu soo saari doonto go’aan raali galiya, rajjoo badana aanay ka filayn, balse qaarkood sheegay inay ku qanci doonaan haddii aan maxkamadda la faro galin.

Maxkamadda sare ayaa dacwado siyaasadeed oo ay xisbiyo isku haysteen hore u kala garqaaday, waxaanay qolo waliba ku dhaqantay go’aankii ka soo baxay maxkamadda.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
7/31/2012 3:43 PM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) - Dab geystey khasaare maaliyadeed oo xoogan ayaa gelinkii danbe ee shalay ka kacay deegaan beereedka Karin oo qiyaastii 30km magaalada Boosaaso waqooyiga kaga beegan.

7/31/2012 2:54 PM EST
Talaado, July 31, 2012— Madaxda wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa maanta kulan la qaatay shaqaalaha ka howlgala Isbitaalka guud ee magaalada Garoowe. kulankan oo ahaa mid ay wasaaradu soo qaban qaabisay waxaa looga wada hadlayey sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha uu Isbitaalku qabo, adeega uu bulshada u hayana loo dar dar gelin lahaa.

7/31/2012 2:38 PM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) - Qabuuraha Cir-jiife ee magaalada Gaalkacayo waxaa duhurnimadii maanta lagu aasay AHN nabadoon Cabdilaahi Maxamed Xasan (Farey) iyo walaalkiis Cismaan Maxamed Xasan, kuwaas oo ay xalay dabley Baaskoolado ku hubeysni ku dileen gudaha xaafadda Israac.

7/31/2012 1:07 PM EST
Talaado, July 31, 2012(HOL): Waxaa caawa Salaaddii maqrib kaddib Muqdisho lagu dilay Majaajiliiste ay si weyn u yaqaaneen dadka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jeylaani (Marshaale), waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan.

7/31/2012 9:49 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, Hillary Clinton ayaa lagu wadaa inay madaxda Soomaaliya kula kulanto bisha soo socota ee Ogoosto magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo ay booqasho ku imaanayso.

7/31/2012 9:41 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa looga dhawaaqay maanta isbahaysiga madaxa-bannaan ee turxaan-bixinta Soomaaliya, kaasoo uu guddoomiye u yahay Xasan Shire Sheekh.

7/31/2012 8:35 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Taliyaha Booliska Somaliland Jen: Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in hawlgal balaaran oo ciidanka Boolisku ay ka sameeyeen magaalada Hargeysa ay kusoo qabqabteen illaa kontomeeyo tuug kuwaasoo maalmihii u dambeeyey falal tuuganimo ah kula kacayey dadweynaha.

7/31/2012 8:25 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Siddeed murashax oo ka mid ah xubnaha u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa shir ay ku yeesheen Muqdisho ka sheegay inay mideynayaan awooddooda si ay uga qaybgalaan doorashada madaxnimo ee dalka Soomaaliya.

7/31/2012 7:08 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Kulankan ayaa looga hadlay sidii ay wada-shaeyn u dhexmari lahayd ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatadii furay maxjarka Ancaam iyo ganacstada Soomaaliyeed ee dhoofisa xoolaha.

7/31/2012 6:54 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay shan kalena waxay k dhaawacmeen qarax ciidammo ka tirsan DKMG ah lagula eegay degmada Yaaqshiid iyo shil gaari oo ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

7/31/2012 6:41 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Barnaamij loogu magacdaray Baraarug oo haya'dda CRD ay soo qabanqaabisay laguna maalgelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shalay oo Isniin ahayd lagu qabtay Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen boqolaal dhallinhyaro ah.

7/31/2012 2:46 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ayaa xalay dhac baahsan ka geystay xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, iyadoo falkan uu imaanayo xilli madaxweynaha DKMG ah oo shalay booqday degmadaas uu amar ku bixiyay in laga hortago falalka dhaca ah ee ay geysanayaan ciidamada dowladda.

7/31/2012 2:41 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay Waqooyiga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug nabaddoon caan iyo nin la dhashay, iyadoo sidoo kale ay kooxo hubeysan ku dileen degmada Baydhabo shalay gallinkii dambe nin taksiile ah.