10/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2012
Madaxweynaha Galmudug oo Taageeray Shirka Ansixinayo Dastuurka ee Muqdisho ka socda kana digay Doorashooyin ka dhaca Galmudug
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug, Col. Maxamed Axmed Caalin oo ku sugan magaalada Nairobi oo dhawaan wadnaha looga qalay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo shirka ansixinta dastuurka ee Muqdisho ka socda, isagoo ka digay doorashooyin madaxweyne oo ka dhaca Galmudug.

Col. Caalin oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in ergadii shirka uga qaybgeli lahayd shirka ansixinta dastuurka ee Muqdisho ka socda ay mar hore direen, isagoo xusay inaysan iyagu doonayn inay horistaagaan horumar ay Soomaaliya gaarto.

"Waxaan maqlay inay laba doorasho ka kala dhacayso Galmudug, balse waxaan ka digi lahaa in la qabto doorashooyinkaas, waxaana ku talinayaa in loo hogaansamo rabitaanka shacabka oo laga leexdo in qori iyo hunguri wax lagu noqdo," ayuu yiri Col. Caalin.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay inaysan jirin xilli cayiman oo uu isagu u qabtay inay doorashooyinka madaxnimo dhacaan, isagoo xusay inuu doonayay in la qabto kulan ay kasoo baxaan wax la isku raacsan yahay.

"Anigu weli ma oran maalin heblo ayay doorashadu dhacaysaa, waxaana diidanaa inuu isku dhac yimaado, waxaana jeclahay in la isla fariisto oo wax la isla gaaro, ma doonayo inaan wax ku darsado dhibaatada socota, ciddii howsha wadda ayaana qaadaysa mas'uuliyada wixii ka dhasha," ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Sidoo kale, madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay in doorasho la qabto inay ka wanaagsan tahay in marka hore wax la iska weydiiyo waxyaabihii ay Galmudug ka dhaqaaqi waday, si go'aan mideysan loo qaato. Isagoo ugu baaqay Jen. Cabdi Qaybdiid oo ka mid ah xubnaha doorashada u tartamaya inuu ogolaado in lawada fariisto wixii shacabku doonayaanna la isku raaco.

"Haddii ay aniga i leeyihiin noo tanaasul, waxaana u sheegayaa anigu haddaba kuma jiro orod iyo dadaal doorasho," ayuu yiri Col. Caalin oo sheegay inuu aad u wanaagsan yahay caafimaad kaddib qalliin looga sameeyay wadnaha uuna sugayo baaris, balse ma sheegin halka uu aadayo markii baaristu u dhammaato.

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in maalinta berri ah lagu wado inay ka dhacdo Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay Galmudug ka taliso doorashooyin madaxweynnimo, taasoo ay ku tartamayaan lix murashax oo mid walba uu doonayo inuu xilka isagu qabto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/30/2012 8:55 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Ergooyinka beesha shanaad ayaa waxay maanta ka dhigeen xarunta uu shirku ka socdo dibadbax cabasho ah, kaasoo ay ku sheegeen inay kaga soo horjeedaan nidaamka 4.5-ka ee lagu qaybsado awoodda dalka.

7/30/2012 6:59 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay maalmihii ugu dambeeyay ka geysanayeen ciidamada DKMG ah falal ammaan-darro, iyagoo la kulmay waxgaradka degmadaas

7/30/2012 6:26 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Qiimaha badeecadaha quutul-daruuriga ah ayaa sare u kac uu ku yimid bishan barakaysan ee Ramadaan, halka qiimihii sarifka doollarkuna hoos uga dhacay suuqyada sarifka Somaliland.

7/30/2012 3:39 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Daaladda jaamacadaha Soomaaliya ee Somali-Ren ayaa deeq ka kooba kambiyuutarrro iyo birinto casri ah oo ay ugu deeqday dowladda Turkiga ku wareejisay jaamacadda Simad oo ka mid ah jaamadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

7/30/2012 3:23 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo kormeer ku tahay Axaddii shalay xarunta uu ka socdo shirka ansixinta dastuurka ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in muddadii horay loogu qabtay lagu ansixiyo dastuurka qaybyada ah.

7/30/2012 3:17 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay tan iyo xalay ka jireen dhaqaaq ciidan oo ay sameynayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya ee Itoobiya.