4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2012
SHEEKH AXMED MADOOBE: "Ciidamadeennu waxay Kismaayo kula wareegi doonaan howlgal uusan dhiig badan ku daadan"
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Raas-kambooni oo ka dagaalanta gobollada Jubbooyinka, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG, kuwa Raas-kambooni iyo militariga Kenya ay hadda ku jiraan diyaar-garow ballaaran oo ay ku doonayaan inay ku weeraraan goobaha ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in duullaankooda uu ku wajahan yahay magaalooyinka Kismaayo, Bu'aale iyo Jilib, wuxuuna xusay inay rajeynayaan in  magaalooyinkaasi ay la wareegaan iyadoo uusan dhiig badan ku daadan.

Masuulkani ayaa intaa ku daray in ciidamada dowladda KMG, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ay haatan ku suganyihiin meel qiyaastii 100 KM u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, dhawaanna ay u dhaqaaqi doonaan dhanka magaalada Kismaayo.

"Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka hadda meel wanaagsan ayuu noo marayaa, ciidamadu waxa ay u diyaar garoobeen weerarro saf ballaaran ah oo ku aadan magaalada Kismaayo, waxaana ku hanweynahay in wax dhiig ah uusan ku daadan doonin qabshada magaalada Kismaayo," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Hogaamiyaha kooxda Raaskaambooni oo ka jawaabayay su'aal ahayd sida uu u arko shir ay soo qabanqaabiyeen wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Nairobi, kaasoo looga hadlayay maamul u sameynta gobollada Jubooyinka iyo Gedo, ayuu sheegay in shirkaasi uu yahay mid haatan bilow ah oo dadka isla dhashay ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo ay ku dhisanayaan maamul ay ku mideysanyihiin, wuxuuna xusay in lagama maarmaan ay tahay in maamul loo dhiso gobolladaasi marka laga saaro Al-shabaab.

Hadalkan kasoo yeeray hogaamiyaha kooxda Raaskaambooni ayaa kusoo beegmaya xilli masuuliyiin u hadashay dowladda Kenya ay shaaca ka qaadeen in ay dardar gelin doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya