4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2012
Xukuumadda Kenya oo sheegtay inay xoojinayso dagaalka ay Al-shabaab kula jirto ee ka socda gudaha Soomaaliya
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Kenya, Raila Odinga ayaa ku hanjabay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab oo uu ku eedeeyay weerarro ka dhacay Gaarisa iyo afduubyada shaqaale gargaar oo ka tirsan hay'adda NRC.

Odinga wuxuu sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay halkaas ka baxayn inta laga adkaanayo Al-shabaab, ayna Soomaaliya nabad ka noqonayso, isagoo ku daray hadalkiisa in Soomaaliya aan looga tagayn colaadaha 20-ka sano ka jiray .

"Waxaanu doonaynaa in Soomaaliya ay noqoto nabad, 500,000 ee qoxootiga ah ee ku sugan Dhadhaabna dib loogu celiyo halkaas," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Kenya oo shalay booqday magaalada Gaarisa oo maalin ka hor lagu dilay 17-qof oo lagu weeraray kaniisado.

Ra'iisul wasaaraha Kenya ayaa hadalkan ka sheegay goob uu kula hadlayay dad isugu jira muslimiin iyo kirishtaan ku nool Gaarisa, waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka Kenya, Kalonzo Musyoka iyo wasiirka difaaca isla markana ah sii haya wasaaradda ammaanka gudaha ee Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Kenya, wuxuu shacabka dalkiisa ka dalbaday inay u istaagaan sidii ay u caawin lahaayeen ciidamada ammaanka loogana hortegi lahaa falalka la mid ah kuwii ka dhacay Gaarisa ee dadka badan ay waxyeellada kasoo gaartay.

"Waa mid la ogyahay in Al-shabaab ay si rasmi ah ugu biirtay Al-Qaacida, sidoo kale waxay xiriir la leeyihiin kooxda Boko Haram ee dalka Nayjeeriya, qorshahooduna waa inay dhibaatooyin ka abuuraan qaaradda afrika oo dhan," ayuu yiri Odinga.

Hoggaamiyeyaasha Muslimka Kenya oo iyaguna ka hadlay kulan ka dhacay Gaarisa ayaa cambaareeyay fallkii dhacay iyagoo sheegay in diinta Islaamku aysan ogoleyn in dhibaatadaas oo kale la sameeyo, balse falkaas uu ahaa mid argagaxiso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya