3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2012
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Irland oo Muqdisho booqday lana kulmay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirradiisa

Axad, July 29, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha DKMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa maanta kulan kula yeeshay Muqdisho ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Ireland ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo ganacsiga ee dalka Irland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay qaar ka mid ah wasiirradiisa oo ay ka mid yihiin: wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Cabdiwahab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen, wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga, C/llaahi Godax Bare iyo wasiirka boostada iyo isgaarsiinta, Cabduqaadir Xuseen Maxamed (Jaah-weyn).

Shir jaraa'id oo ay labada mas'uul qabteen kulamadooda kaddib ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay ra’iisul wasaare ku xigeenka Irland, Eamon Gilmore isagoo soo dhaweeyya dadaalka ay xukuumadda KMG ah ugu jirto in laga gudbo xilliga KMG ah, isagoo ku tilmaamay inay tahay tallaabo horumarineed oo lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ka dhalato dowladd rasmi ah.


Sidoo kale, ra'iisul wasaare ku xigeenka Ireland wuxuu sheegay in dalkiisu uu ugu talo-galay mashaariic lagu horumarinayo arrimaha bana’adanimada iyo mashaariic kale oo dalku u baahan yahay, isagoo sheegay inay ku bixin doonaan lacagtaas oo gaaraysa saddex illaa afar milyan oo doollarka Mareykanka ah ay marsiin doonaan hay'adaha Qaramada Midoobay iyo ururka Midowga Yurub.

Ra'iisul wasaaraha DKMG Soomaaliya oo ka hadlay shirka jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay inay uga warbixinteen wafdigan horumarka ay dowladda KMG ah ka gaartay howlaha Roadmap-ka ee socda, isagoo sheegay in Ireland ay qayb kaalinta hore kaga jirto dowladaha caawiya Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ay ka go'an tahay in bisha Ogoosto ee sannadkan ay soo afjarto xilliga KMG ah si dalku ay u hoggaamiso dowlad rasmi ah.


Wafdiga ka socda dalka Ireland ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo soo gaara Soomaaliya muddadii 21-ka ahaa ee ay dalka ka jireen dagaallada sokeeye, iyadoo booqashadan ay qayb ka tahay booqashooyin ay dalka ku yimaadeen wufuud kala duwan oo caalamka ka socda.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/29/2012 3:39 PM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) - Dab baabi'iyay gabi ahaanba suuqii ugu waynaa ee xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa galabta maqribkii halkaas ka bilowday.

7/29/2012 9:38 AM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax iyo xubno ka tirsan maamulka ayaa maanta gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

7/29/2012 8:31 AM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta lidka diyaaradaha iyo madaafiic ku weeraray garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo ku yaalla dhinaca waqooyi-bari oo ay ka taliso maamulka Puntland, inkastoo aan la sheegin khasaare ay rasaastaasi geysatay.

7/29/2012 7:24 AM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Warsaxafadeed ay hay'adda culummada Soomaaliyeed kasoo saartay Muqdisho maanta oo Axad ah ayay ku sheegtay in dastuurka ay ku jiraan qodobbo ka horimaanaya diinta Islaamka, iyadoo codsatay in lagu asmeeyo isbedel ka hor inta aan la ansixin.

7/29/2012 7:06 AM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Dagaal aad u xooggan ayaa xalay ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, iyadoona dagaalkaasi uu u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

7/29/2012 3:40 AM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa salay oo Sabti ahayd sheegtay in cudurka halista ah ee Ebola uu k dillaacay dalka Uganda, uuna dilay 14-qof, tiro kale oo dad ahna ay isbitaallada u jiifaan.

7/29/2012 3:21 AM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Afhayeenka howgallada ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abu-Muscab ayaa sheegay inay ciidamadooda sida gaarka ah u tababaran toogasho ku dileen laba ka tirsan ciidamada AMISOM oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee degmada Dayniile.

7/29/2012 2:59 AM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay duleedka deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo ku dhexmaray ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.