3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2012
Hay'adda Culummada Soomaaliyeed oo sheegay in Qodobbo ka mid ah Dastuurka ay ka Horimaanayaan Diinta Islaamka
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Warsaxafadeed ay hay'adda culummada Soomaaliyeed kasoo saartay Muqdisho maanta oo Axad ah ayay ku sheegtay in dastuurka ay ku jiraan qodobbo ka horimaanaya diinta Islaamka, iyadoo codsatay in lagu asmeeyo isbedel ka hor inta aan la ansixin.

Guddoomiyaha hay'adda culummada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in ergada u fadhida ansixinta dastuurka ay qodobbadaas ku sameeyaan isbedel.

"Waxaan codsanaynaa in la saxo qodobbada sida tooska ah uga horimaanaya diinta Islaamka sida: qabashada dumarka dhammaan jagooyinka, gudniinka gabdhaha oo aan fircooniga ahayn oo la cambaareeyay lana reebay, ergayga caruur oo lagu qeexay wixii ka yar 18-ka sano, xorriyadda diinta oo aan xadkeedii la caddeyn, loona baahan yahay in lasoo celiyo faqraddii ahayd qofka muslimka ah kama bixi karo diintiisa," ayuu yiri Sheekh Bashiir oo warsaxaafadeedkii ay soo saareen akhrinayay.

Hay'adda culummada oo saaxiib weyn la ahayd dowladda KMG ah kuna baaqi jirtay in la taageero xilliyadii ay dagaalladu ka socdeen Muqdisho ayaa waxay haatan u muuqataa in fikirkeedu isbedelay, waxayna howlaha socda ku tilmaameen kuwo aan loo baahnayn.

"Shareeco Islaam oo lagu dhaqmo ayaan sugaynay ee maxay tahay waxa lala cararayo ee mooryaannimada ah... waa arrin runtii aad looga xun yahay, sida ku qoran baaqa ergada waxaan xusuusin lahayn mas'uuliyadda taariikhiga ah inay ilaahay kaga baqaan, gaar ahaan waxa kasoo horjeeda diinta islaamka iyo danta Qaranka Soomaaliyeed," ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah afhayeenka hay'adda culummada Soomaaliyeed oo isaguna goobta ka hadlay.

Ugu dambeyn, hay'addu waxay ka dalbatay beesha calaamka inay fuliso laba qodob oo kala ah inay shacabka Soomaaliyeed xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan si la mid ah sida bulshadooda kale ee caalamka iyo inaan deggenaashaha dalka lagu gaari karin afduub iyo amar ku taagleyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/29/2012 3:39 PM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) - Dab baabi'iyay gabi ahaanba suuqii ugu waynaa ee xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa galabta maqribkii halkaas ka bilowday.

7/29/2012 9:38 AM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax iyo xubno ka tirsan maamulka ayaa maanta gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

7/29/2012 8:31 AM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta lidka diyaaradaha iyo madaafiic ku weeraray garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo ku yaalla dhinaca waqooyi-bari oo ay ka taliso maamulka Puntland, inkastoo aan la sheegin khasaare ay rasaastaasi geysatay.

7/29/2012 7:50 AM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha DKMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa maanta kulan kula yeeshay Muqdisho ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Ireland ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo ganacsiga ee dalka Irland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Muqdisho.

7/29/2012 7:06 AM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Dagaal aad u xooggan ayaa xalay ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, iyadoona dagaalkaasi uu u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

7/29/2012 3:40 AM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa salay oo Sabti ahayd sheegtay in cudurka halista ah ee Ebola uu k dillaacay dalka Uganda, uuna dilay 14-qof, tiro kale oo dad ahna ay isbitaallada u jiifaan.

7/29/2012 3:21 AM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Afhayeenka howgallada ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abu-Muscab ayaa sheegay inay ciidamadooda sida gaarka ah u tababaran toogasho ku dileen laba ka tirsan ciidamada AMISOM oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee degmada Dayniile.

7/29/2012 2:59 AM EST
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay duleedka deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo ku dhexmaray ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.