4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2012
Hay'adda Caafimaadka Adduunka oo sheegtay in Cudurka Ebola uu ka dilaacay dalka Uganda kuna dilay 14-qof
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa salay oo Sabti ahayd sheegtay in cudurka halista ah ee Ebola uu k dillaacay dalka Uganda, uuna dilay 14-qof, tiro kale oo dad ahna ay isbitaallada u jiifaan.


Cudurkan ayay sheegtay hay'addu inuu ka dilaacay magaalada Kibaale oo ku taalla gobolka bartamaha galbeed ee dalka Uganda oo 200-km dhinaca galbeed kaga beegan caasimadda Uganda ee Kampala.

"Waxaan idiin xaqiijin karnaa in 20-qof laga helay fayruska dhaliyay cudurkan, 14 ka mid ahna ay u dhinteen," ayuu yiri Joaquim Sewake oo ah wakiilka WHO ee dalka Uganda.

Sewake wuxuu sheegay in goobta uu cudurka ka dillaacay ay gaareen kooxo  caafimaad oo ka socota dalka Uganda iyo machad Mareykanku leeyahay ayna billaabeen inay baaritaanno dadka ku sameeyaan.

Dadka u dhintay cudurkan ayaa la sheegay inay ahaayeen dad qaraabo ah, ayna ka qaadeen cudurka aas ay u sameynayeen dad uu qof uu cudurka dilay, iyadoo ay noqonayso markii saddexaad oo cudurkan uu ka dilaaco dalka Uganda.

"Waxaan uga jawaabaynaa si adag, waxaana isku dayi doonnaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan u karantiillo dadka uu cudurkan ku dhacay," ayuu yiri Sewake oo sheegay in cudurkan uu yahay mid aad u halis badan.

Isbitaalka weyn ee magaalada Uganda ayaa la sheegay in la keenay qof cudurkan la xanuunsanaya, iyadoo wasaaradda caafimaadka dalkaas ay billowday sidii ay uga hortegi lahayd in cudurkaas uu ku faafo magaalada xarunta.

Dalka Uganda ayaa waxaa ku sugan Soomaali fara badan oo isugu jira qoxooti, kuwo deegaan ah iyo arday wax ka barta, iyadoo sidoo kalena ay ciidammo badan dalkaas kaga sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.

Sannadkii 2000 oo markii ugu horreysay uu ka dillaacay dalka uganda ayaa wuxuu ku dilay 170-qof, iyadoo sidoo kalena uu sannadkii 2007 oo markii labaad uu ka dillaacay uu ku dilay 37-qof, waxaana cudurkan uu ka dillaacay Uganda bishii July ee sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya